HomeWararMadaxweynaha oo Jaamacadda Carabta ku ammaaney taageerada mar walba ay la garab...

Madaxweynaha oo Jaamacadda Carabta ku ammaaney taageerada mar walba ay la garab taagan tahay Soomaaliya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

 Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay danjireyaasha dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya. Madaxweynaha iyo danjireyaasha ayaa ka wadahadley xaaladaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta doorka Jaamacadda Carabta ee dib u dhiska Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Jaamacadda Carabta taageerada ay mar walba […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula yeeshay danjireyaasha dalalka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo danjireyaasha ayaa ka wadahadley xaaladaha siyaasadda, amniga, dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta doorka Jaamacadda Carabta ee dib u dhiska Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey Jaamacadda Carabta taageerada ay mar walba Soomaaliya la garab taagan tahay, isagoo intaa ku darey in dowladda Soomaaliya , baarlamanka iyo hay’adaha kale ee dowliga ay diyaar u yihiin inay fududeyaan iskaashigaasi labada dhinac ka dhexeeya.

Danjireyaasha waddamada Carabta oo iyaguna halkaasi ka hadley ayaa soo dhoweeyay horumarka amniga, siyaasadda iyo midka baahinta xukunka ee ay ku tilaabsatey Soomaaliya, iyagoo intaa raaciyey in Soomaaliya aaney xiligan waqti u haynin inay lugaha la gasho khilaafaadyo kale oo siyaasadeed oo dib u dhac ku keeni kara horumarka la gaarey.

Danjireyaasha waddamada Djibouti (Dayib Dubad Rooble), Imaaraadka Carabta (Maxamed Al Cuthmaan) iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Cabdalla Idiris ayaa iyaguna sheegay in Jaamacadda Carabta ay laban laabeyso taageerada ay siiso Soomaaliya, si gaar ahna ay gacan uga geysaneyso hirgelinta hiigsiga 2016, oo ay ka mid tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo.

- Advertisement -
IB0A3565
IB0A3555
IB0A3577
IB0A3604
IB0A3642

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts