HomeWararDowladda Jabuuti oo beenisay in laga soo xigtay inay Ethiopia danno qarsoon...

Dowladda Jabuuti oo beenisay in laga soo xigtay inay Ethiopia danno qarsoon ka leeyihiin dalka Somalia

Date:

Related stories

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

War Saxaafadeed uu soo saaray Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Jabuuti, Jeneral Zakariya Shiikh Ibraahim ayaa waxa uu ku beniyey warar ay qaar ka mid ah Warbaahinta Gobalka ku sheegeen inay ka soo xigteen Taliyaha Ciiddanka Jabuuti ee ku sugan Gobalka Hiiraan inuu ku eedeeyeyey Ethiopia inay Ajendo Qarsoon ka leeyihiin Somalia. “Warbixintaasi la been […]

- Advertisement -

War Saxaafadeed uu soo saaray Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Jabuuti, Jeneral Zakariya Shiikh Ibraahim ayaa waxa uu ku beniyey warar ay qaar ka mid ah Warbaahinta Gobalka ku sheegeen inay ka soo xigteen Taliyaha Ciiddanka Jabuuti ee ku sugan Gobalka Hiiraan inuu ku eedeeyeyey Ethiopia inay Ajendo Qarsoon ka leeyihiin Somalia.

“Warbixintaasi la been abuuray, marna wax uma dhimayso Siyaasadda Jabuuti iyo xiriirka wanaagsan iyo Iskaashiga ee aynu leenahay Ethiopia” ayuu yiri Jeneral Zakariya.

- Advertisement -

Wuxuuna intaasi ku daray inay eedeymahaasi marnaba ka imaanin Wasaaradda Difaaca Jabuuti ama Hoggaanka Ciiddanka.

Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Jabuuti, Jeneral Zakariya Shiikh Ibraahim  waxa uu sheegay inuu iskaashi xooggan ka dhexeeyo Ciiddanka Jabuuti iyo kuwa Jabuuti ee ku wada sugan Gobalka Hiiraan, isla markaana ay la wadaagaan Ummadda Soomaalida dhibaatooyinka iyo Farxadda.

Waxa uu tilmaamay inuu hadafka labada ciiddan yahay sidii dalka Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Deganaansho buuxda, isla markaana aysan Jabuuti iyo Ethiopia midna ahayn inay ka shaqeynayaan Deganaansho La’aanta Somalia.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Jabuuti, Jeneral Zakariya Shiikh Ibraahim waxa uu sheegay in Eedeymahaasi looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo qorshaha lagu dhisayo Dowlad-gobaleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah Dowladaha IGAD ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, iyadoo 1,900 ciiddan ka joogaan Gobalka Hiiraan ee Bartamaha Somalia.

Latest stories