HomeWararBoliska Kenya oo laga hor-joogsaday inay xiraan Sarkaal Somali ka shaqeeya Hay’adda...

Boliska Kenya oo laga hor-joogsaday inay xiraan Sarkaal Somali ka shaqeeya Hay’adda UNHCR

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Maxkamadda Saree e dalka Kenya ayaa la sheegay inay ka hor istaageen Boliska oo qorsheynaey inay  xiraan Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Abdirizak Hussien Shafat oo ay ku eedeeyeen inuu xiriir la leeyahay Alshabaab. Garsoore George Odunga ayaa soo saaray amarka looga mamnuucayo Hay’addaha Ammaanka si ay u xiraan ama u baaraan Sarkaalkaasi Abdirizak Hussien Shafat […]

- Advertisement -

Maxkamadda Saree e dalka Kenya ayaa la sheegay inay ka hor istaageen Boliska oo qorsheynaey inay  xiraan Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Abdirizak Hussien Shafat oo ay ku eedeeyeen inuu xiriir la leeyahay Alshabaab.

Garsoore George Odunga ayaa soo saaray amarka looga mamnuucayo Hay’addaha Ammaanka si ay u xiraan ama u baaraan Sarkaalkaasi Abdirizak Hussien Shafat oo dhinaca Ammaanka ugu qaabilsan Xeradda Qaxootiga ee Xagar-dheer ee W/bari Kenya.

- Advertisement -

Waxa uu amray in Sarkaalkaasi lagu si idaayo lacag damiin oo caqligal ah.

Garyaqaanka Abdirizak Hussien Shafat oo lagu magacaabo Gitobu Imanyara ayaa sheegay inay Dembi-baarista Boliska iyo Taliyaha Dacwad-oogista xireen Sarkaalka, kuna soo oogay dembiyo la xiriira waxa loogu yeero falalka Argagixisadda.

Toddobaadkii hore, wiil la dhashay Abdirizak Hussien Shafat oo lagu magacaabo Abdiqaalib Hussien Shafat ayaa buuxiyey Gal-dacwadeed looga cabanayo falka ay Boliska ku xireen Walaalkiisa.

- Advertisement -

Boliska ayaa la sheegay inay dabagal ku hayeen Sarkaalkaasi, oo ay xireen bishan August 14-dii, xilli uu ku sii jeeday Shaqadiisa, waxayna baareen xogta ku kaydsan Mobaylkiisa iyo Telefoonka Laynka ee Xafiiskiisa.

Boliska ayaa lagu amray inay muddo 14 maalmood ku soo dhamaystiraan Eedeymaha ay ku tuhunsan yihiin Abdirizak Hussien Shafat oo ka tirsan Saraakiisha UNHCR ee ka hawlgala Xeradda Qaxootiga ee Xagar-dheer ee W/bari Kenya.

 

Latest stories