HomeWararMadaxa Guddiga Difaaca ee Barlamaanka Kenya oo beeniyey inay Ciiddanka Kenya iyo...

Madaxa Guddiga Difaaca ee Barlamaanka Kenya oo beeniyey inay Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab ka wada shaqeystaan Ganacsiga Kontrobaanka

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Madaxa Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka dalka Kenya, Ndungu Fethanji ayaa beeniyey Wararka sheegayo inay Ciiddanka Kenya ku lug leeyihiin  Sonkorta suda Kontorobaanka lagu geliyo gudaha dalka Kenya, waxa uu beeniyey inay Ciiddanka Kenya sonkorta ka soo degta Dekedda Kismaayo u sii gudbiyaan gudaha Kenya.

Waxa uu tilmaamay in Eedeymahaasi lagu daboolayo guul-darradda Waaxda Sonkorta ee Kenya oo uu xusay inuu ka jiro musuq, maamul-xumo, dhac  iyo Ku-takrifal Awoodeed.

Ndungu Fethanji waxa uu cambaareeyey Hoggaamiyaha Isbahaysiga Mucaaradka Kenya, Raila Odinga  oo horey u sheegay in inta badan Sonkorta lagu iibiyo Dukaamadda Kenya yihiin kuwo ay si kontorobaan u keen Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Mas’uulkaasi waxa kaloo uu ku gacan sayray inay Ciiddanka Kenya iyo Dagaalamayaasha Alshabaab ka wada shaqeystaan Badeecadaha Kontorobaanka ee loo kala gudbiyo Kenya iyo Somalia.

Dhinaca kale, waxa uu Mas’uulkaasi ka tirsan Barlamaanka Kenya sheegay in Hawlgalkii ay Ciiddanka Kenya ku galeen gudaha dalka Somalia  lagu wiiqay waxa uu ugu yeeray inta badan dhaqdhaqaaqii Alshabaab ee ay ka heli jireen maalgashiga, isla markaana guul laga gaaray Hawlgalka Ciiddanka Kenya ku soo galeen gudaha dalka Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka Kenya u joogaan dalka Somalia si ay u soo celiyaan Deganaanshaha iyo Nabadda Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories