HomeWarar(FAALLO): Moshinka Xildhibaanadda u ekaa Saf-mar lagu sidkayo Halxiraale Siyaasadeed

(FAALLO): Moshinka Xildhibaanadda u ekaa Saf-mar lagu sidkayo Halxiraale Siyaasadeed

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Xildhibaano ay madax marayso Mooshin-jecel, Madaxweyne eedeymo kulul loo jeedinayo iyo Bulsho jahwareer nololeed iyo sicir barar la anfariirsan ayaa waxay noqdeen Mashaqo aan la haynin Toobiyihii lagu maarayn lahaa. Waa Halxiraale Siyaasadeed oo u baahan in Khibrad iyo Mas’uuliyad lagu kala furdaamiyo, inkastoo aan la ogeyn Hadafka Dhabta ee xilligan laga leeyahay Mooshinkaasi, ma […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaano ay madax marayso Mooshin-jecel, Madaxweyne eedeymo kulul loo jeedinayo iyo Bulsho jahwareer nololeed iyo sicir barar la anfariirsan ayaa waxay noqdeen Mashaqo aan la haynin Toobiyihii lagu maarayn lahaa.

Waa Halxiraale Siyaasadeed oo u baahan in Khibrad iyo Mas’uuliyad lagu kala furdaamiyo, inkastoo aan la ogeyn Hadafka Dhabta ee xilligan laga leeyahay Mooshinkaasi, ma dan shaqsiyadeed?, mid beeleed ?, mid siyaasadeed ? ama  mid Qas-siyaasadeed?

- Advertisement -

Loolan Adag oo Sharciga in lagu kala baxo ayana  la hadal-hayaa inay tahay Wadiiqadda ugu caqligalsan ee lagu xalin karo Moosihinka ay Xildhibaanadda ololkiisa shidayan.

Waana hubaal inay muddo toddobaadyo ama bilo qaadan karto sidii ay Mudanayaasha Barlamaanka u xukmin lahaayeen Garnaqsiga  arrintaasi.

Xildhibaanadda soo bandhigay Moshinka ayaa waxay ku soo faruurmi karta Xaallado Siyaasadeed iyo Sharci, haddii ay taageero  ka waayaan 182-ka Xildhibaan ee Mooshinka diidan ama dhedhexaadka ah.

- Advertisement -

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Xildhibaanadda Barlamaanka taageeri doonin Codka Mooshinkaasi, sababo badan oo macquul ah darted.

Danjirayaaha Beesha Calaamka waxay iyagana codkooda ku biiriyeen in lala yimaado Caqli Siyaasadeed, lana badbaadiyo Horumarka Siyaasadeed, Nabadeed iyo Bulsho ee la gaaray iyo Hiigsiga Himiladda Qaranka.

Xildhibaanadda u ololeynayo Mooshinka ayaa u muuqda kuwo ku mintidayo Kiiskaasi, isla markaana ka biyo diidsan in Xal-siyaasadeed lagu dhameeyo Buuqa Taagan, mana muuqato Rajo ay ugu tanaasulayaan Danaha Qaranka.

Xeeldheerayaasha waxa saadaalinayaan Haddii ay Xildhibaanaddaasi la degto Leexadda Mooshinkan, inuu bilaaban karto Loolanka dhinaca Sharciga iyo in ay Madaxtooyadda furaan Gal-dacwadeed ka dhan ah Xildhibaanadda, maadaama ay Xildhibanaadaasi cuskadeen qoddobo  Madaxweynaha Qaranka.

Waa xaallad Khatar kale sii  abuuri karta, haddii aysan Madaxtooyadda ka tanaasulin inay Xildhibaanadda Mooshinka keenay ku kala baxaan Sharciga Qaranka.

Docda kale, Xildhibaanadda Moshinka soo abaabulay ayaa u muuqda kuwo  hamuun u qaba Xilal Xukuumadeed, maadaama badankooda xillka Wasiirnimo laga qaaday iyagoo aan filaynin.

Si kastaba ha ahaatee, Hamiga Xildhibaanadda ayaa loo qaadan karaa Mooshin Saf-mareen ah oo ay ku  doonayaan inay ku salfadaan Madaxweynaha iyo Golaha Wasiiradda.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts