HomeWararBoliska Kanada oo uu isku soo dhiibay Eedeysane Somali loo baadi-goobayey dilka...

Boliska Kanada oo uu isku soo dhiibay Eedeysane Somali loo baadi-goobayey dilka Marxuum Somali ahaa

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Eedeysane Mohamoud Abdiweli Diriye ayaa isku  dhiibay Boliska magaalladda Toronto, oo iyagu horey u amray in la qabto labo EedeysaneSomali ah oo lagu tuhunsan yahay inay dileen Marxuum la oran jirey Kabil Abdulkadir.

Eedeysanaha oo 25 jir ah ayaa waxa uu shalay ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Toronto, waxayna Xeer-beegtida amreen in Xabsiga lagu sii hayo ilaa bisha soo socota ee September 2-da.

Waxaana Eedeysanaha lala xiriirinayaa inuu ku lug lahaa fal bishan August 9-dii lagu dilay Marxuum la oran jirey Kabil Abdulkadir oo 27-jir ahaa.

Ilo dhinaca Boliska ayaa sheegay inay Eedeysanaha walaalo ahaayeen Mohamed Abdiweli Diriye oo isaga bilowgii bishii July lagu dilay dhismo ku yaalla magaalladda Toronto.

Boliska waxay kaloo sheegeen inay Kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV  laga arkay iyadoo uu Eedeysane Mohamoud Abdiweli Diriye yimid goobta uu dilku ka dhacay, kadibna ku baxsaday gaari

Dhinaca kale, Boliska magaalladda Toronto waxay weli baadi-goobayaan Eedeysane kale oo lagu magacaabo Hassan Abdulle oo 25 jir, kaasi oo loo haysto 8 fal-dembiyeed oo ay ku jirto Toogasho.

Boliska waxay uga digeen dadweynaha  inuu Eedeysanahaasu khatar yahay, isla markaana hubeysan yahay.

Maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay, Boliska Toronto waxay qabteen Eedeysane kale oo lagu magacaabo Abdullahi Ali Farah oo 20-jir, kaasi oo lagu soo oogay dacwad dil ah.

Inra badan Dhallinyarradda Soomaalida ku nool dalka Kanada ayaa la sheegay inay yihiin kuwo qeyb ka ah Kooxaha Gangesteradda ee iibiya, isla markaana isticmaala Daroogadda Khatarta ah, waxayna is-dilaan marka ay isticmaalaan Daroogooyinka.

MARXUUM KABIL ABDULKADIR TORONTO 1

 

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories