HomeWararUNHCR oo ku baaqday in xal loo helo Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa...

UNHCR oo ku baaqday in xal loo helo Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa kale ee ku xayiran xuduudka Faransiiska iyo Britain

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyey Go’aanka wadajirka ee ay Dowladdaha Britain iyo Faransiiska ka gaareen xaalladda Qaxootiga ku xayiran Degmadda Kalays ee dalka Faranisika.

Antonio Guterres waxa uu sheegay in loo baahan yahay in qorshe loo helo Qaxootiga, si ay u helaan Badbaado, loogana hortago kooxaha Tahriibka.

“Inta badan Qaxootiga ku dhibaataysan Degmadda Kalays ee Faransiiska waxay u baahan yihiin Badbaadin Caalami ah, kuwaasi oo ka kala yimid Somalia, Sudan, Syria, Afganistan iyo Eritrea” ayuu yiri Madaxa Hay’adda UNHCR, wuxuuna intaasi ku daray inay si dhow ula shaqeyn doonaan Dowladda Faransiiska iyo Britain six al loogu helo Qaxootigaasi.

Dhinaca kale, Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ayaa soo bandhigtay tiradda Qaxxootiga sannadkan ka gudubtay Badda Mediterranean Sea ee gaaray dalalka Europe.

Tiro-koobka ayaa lagu sheegay inay 255,152 Qaxooti dhinaca badda ka galeen dalalka Europe, gaar ahaan Talyaaniga, Malta, Spain iyo Greece.

Warbixinta Hay’adda IOM ayaa lagu sheegay in ka badan 2,300 Tahriibayaal ah naftooda ku waayeen safar-baddeedkaasi ee sannadkan, halka ay 1,800 Tahriibayaal ku haften baddaasi sannadkii hore.

Inta badan Tahriibayaasha ayaa waxay ka kala yimaadaan dalalka Somalia, Sudan, Eritrea, Syria, Iraq, Mali, Senegal, Ivory Coast, Gini, Gambia, Pakistan iyo Afganistan.

 

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories