HomeWararMuwaadin Somali lagu tuhunsan yahay Burcad-baddeednimo oo lagu xiray Jarmalka

Muwaadin Somali lagu tuhunsan yahay Burcad-baddeednimo oo lagu xiray Jarmalka

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa shaacisay inay Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi xireen Muwaadin Somali oo magangelyo-doon ah, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsanaa Koox Burcad-baddeed horey u qafaalatay Markab Xamuul oo laga leeyahay dalka Jarmalka. Dacwad-oogaha magaalladda Osnabrueck ee dalka Jarmalka, Alexandar Retermeyer ayaa shalay oo Jimco ah shaaciyey in la qabtay […]

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Jarmalka ee DPA ayaa shaacisay inay Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi xireen Muwaadin Somali oo magangelyo-doon ah, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsanaa Koox Burcad-baddeed horey u qafaalatay Markab Xamuul oo laga leeyahay dalka Jarmalka.

Dacwad-oogaha magaalladda Osnabrueck ee dalka Jarmalka, Alexandar Retermeyer ayaa shalay oo Jimco ah shaaciyey in la qabtay Muwaadin Somali oo maagaciisa la qariyey, kaasi oo mid ahaa Koox Burcad-baaddeed Soomaali ah oo sannadkii 2011-kii Xeebaha dalka Oman ka qafaashay Markabka MV Susan K oo ay leedahay Shirkadda Maraakiibta Jarmalka.

- Advertisement -

Burcad-baddeeda qafaalatay shaqaalaha Markabkaasi MV Susan K  ayaa la sheegay inay haysteen in ka badan labo bilood, waxayna sii daayeen kadib, markii la siiyey lacago madax-furasho oo dhamayd 3.5 million oo Dollar.

Qabashadiisa ayaa waxay ku soo beegantay, iyadoo Hoggaamiyihii Kooxaha Burcad-baddeeda Soomaalida, Mohamed Abdi Hassan “Af-weyne” ku xiran yahay Xabsi ku yaalla dalka Belgium.

Boliska caasimadda dalka Belgium ee Brussels waxay Hoggaamiyahaasi qabteen bishii October 12-dii ee sannadkii 2013-kii, xilligaasi oo uu ka degay Garoonka Diyaaradaha ee Brussels, xilligaasi oo ay Madaxda dalkaasi ku casuumeen inuu wax ka jilo Filim laga samayn lahaa Hawlaha Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.

- Advertisement -

Mohamed Abdi Hassan “Afweyne” waxaa lagu xukumay xabsi dhan 20-sanno.

Waxaa kaloo dalka Belgium ku xiran Guddoomiyihii hore ee Maamulkii imin iyo Xeeb, Mohamed Adan Tiiceey, oo isagu haysta Dhalashadda Maraykanka, kadib, markii lagu eedeeyey inuu jaal lahaa Afweyne.

 

© Radio Dalsan

Latest stories