HomeWararBurcad-baddeed Soomaali oo laga waabiyey Maraakiib Ganacsi oo ay ka qafaalan...

Burcad-baddeed Soomaali oo laga waabiyey Maraakiib Ganacsi oo ay ka qafaalan lahaayeen Gacanka Cadmeed

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Taliye-xigeenka Ciiddanka Badda ee Iiraan, Admiral Sayid mohamoud Mousavi ayaa sheegay inay Ciiddanka Badda Iiraan ku guuleysteen inay badbaadiyaan Labo Markab Ganacsi oo ay Burcad-baddeed Soomaali ku weerareen Gacanka Cadmeed, meel ka baxsan Xeebta Yemen. Telefishinka Press TV ee laga leeyahay dalka Iiraan ayaa sheegay in Burcad-baddeed wadatay ilaa 6 doonyaha dheereeya ay Waaberigii hore […]

- Advertisement -

Taliye-xigeenka Ciiddanka Badda ee Iiraan, Admiral Sayid mohamoud Mousavi ayaa sheegay inay Ciiddanka Badda Iiraan ku guuleysteen inay badbaadiyaan Labo Markab Ganacsi oo ay Burcad-baddeed Soomaali ku weerareen Gacanka Cadmeed, meel ka baxsan Xeebta Yemen.

Telefishinka Press TV ee laga leeyahay dalka Iiraan ayaa sheegay in Burcad-baddeed wadatay ilaa 6 doonyaha dheereeya ay Waaberigii hore ee saakayto weerareen Markab Xamuul oo aan la sheegin dalka laga lahaa.

- Advertisement -

Maraakiibta dagaalka Iiraan ee ilaaladda ka haya Gacanka Cadmeed ayaa u gurmaday Markabkaasi, kadib, markii ay u soo direen Qeylo-dhaan Gurmad ah.

Taliye-xigeenka Ciiddanka Badda ee Iiraan, Admiral Sayid mohamoud Mousavi ayaa xaqiijiyey inay Ciiddanka rasaas xoog leh is-weydaarsadeen Burcad-baddeeda laga waabiyey Afduubka, isla markaana ay Burcad-baddeeda u baxsadeen dhinaca Xeebaha Somalia.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay fashiliyeen weerar kale oo ay Burcad-baddeed wadatay 12 doonyaha dheereeya ku doonayeen inay ku qafaashaan Markab kale oo ganacsi oo marayey Badda Somalia.

- Advertisement -

Maraakiibta Dagaalka Iiraan ayaa waxay tan iyo bishii November ee sannadkii hore ku sugnaayeen Gacanka Cadmeed, iyagoo qeyb ka ah Maraakiibta Caalamliga ee La-dagaalanka Burcad-baddeedka u jppgtya Xeebaha Somalia.

© Radio Dalsan

 

Latest stories