HomeWararBeesha Caalamka oo walaac xooggan ka muujisay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne...

Beesha Caalamka oo walaac xooggan ka muujisay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

War-murtiyeed ay si wadajir u soo saareen Danjirayaasha QM, Midowga Europe, AMISOM, IGAD iyo Dowladaha Maraykanka iyo Britain ayaa lagyu muujiyey inay ka walaacsan yihiin inuu Moshinkaasi carqaladeeyn karo Horumarka Nabadda iyo Dowlad-dhiska Somalia.

Danjirayaasha waxay sheegeen inkastoo ay xushmeynayaan Awoodda Barlamaanka Federalka Somalia u leeyihiin La-xisaabtanka Hay’addaha, haddana mooshinka caynkaasi uu qaadan karo waqti muhiim ah, gaar ahaan marka ay Hay’addaha Sharciga meesha ka maqan yihiin.

War Murtiyeedka waxaa lagu baaqay in la xushmeeyo Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee Tirsigiisu yahay 2232 ee faahfaahiyey Rajadda Beesha Caalamka ee arrimaha Amniga iyo Horumarka Siyaasadeed ee loo baahan yhaay in laga gaaro Somalia iyo baahida loo qabo hannanka doorasho ee sannadka 2016-ka, iyadoo aan xilka loo kordhin doonin Golaha Sharci-dejinta iyo Fulinta ee Somalia.

Sido kale, War-murtiyeed ay si wadajir u soo saareen Danjirayaasha QM, Midowga Europe, AMISOM, IGAD iyo Dowladaha Maraykanka iyo Britain ayaa lagu sheegay in ay saaxiibada caalamku  sannadkii hore ee 2014-kii si joogta ah ugu ololeeyeen xasilloonida siyaasadda iyo sii socodka hawsha, Xushmeynta Kaalimaha ay Hay’addaha kala leeyihiin ee ku qeexan Dastuurka iyo Tallaabooyin wax looga qabanayo Musuqa, laguna horumatinayo Maareynta Nidaamka Guud ee Maaliyadad Somalia, iyo dhinacyadda Amaanka iyo Difaaca.

War-murtiyeed ay si wadajir u soo saareen Danjirayaasha QM, Midowga Europe, AMISOM, IGAD iyo Dowladaha Maraykanka iyo Britain, waxay ku baaqeen:

Inay Hay’adaha Federaalka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan Midnimadooda iyo isku xirnaantooda inta lagu jiro xilligan adag, isla markaana ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta leh  ee kala ah:

(a) Diyaarinta hanaanka doorasho ee sannadka 2016ka;

(b) Sameynta maamul-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo hanaanka dib u eegidda dastuurka, oo muhim u ah xasilinta, maamulka iyo dowlad-dhisidda;

iyo (c) la dagaallanka Al-Shabaab, oo maraya meel xasaasi ah.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories