HomeWararMaalinta Aadminimadda Caalamka ee World Humanitarian Day oo maanta loo dabaal-degayo

Maalinta Aadminimadda Caalamka ee World Humanitarian Day oo maanta loo dabaal-degayo

Date:

Related stories

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Todd Blanche Officially Scraps $1.8B ‘Anti-Weaponization’ Fund

Acting AG Todd Blanche officially rescinds the $1.8B 'anti-weaponization' fund, clearing the path for his confirmation after a standoff with Sens. Cornyn and Tillis.

Blanche Oo Baabi’iyay Sanduuqii $1.8 Bilyan

Agaasimaha Hawlaha ee Wasaaradda Caddaaladda Todd Blanche ayaa si rasmi ah u baabi'iyay sanduuqa $1.8 bilyan,

Waa hubaal inay Caalamka ka jiraan dhibaatooyin ba’an oo ay la kulmaan dadka, gaar ahaan Ummadaha ku nool Waddamadda ay Colaadaha iyo Macluusha halakeeyeen. 78.9 million oo qof oo ku kala nool 37 Waddan ayaa waxay u baahan yihiin Samafal nolol-badbaadin ah, iyadoo ku-dhawaad 60 million oo kalena lagu khasbay inay barakacaan. Waxaana la hadal-hayaa […]

- Advertisement -

Waa hubaal inay Caalamka ka jiraan dhibaatooyin ba’an oo ay la kulmaan dadka, gaar ahaan Ummadaha ku nool Waddamadda ay Colaadaha iyo Macluusha halakeeyeen.

78.9 million oo qof oo ku kala nool 37 Waddan ayaa waxay u baahan yihiin Samafal nolol-badbaadin ah, iyadoo ku-dhawaad 60 million oo kalena lagu khasbay inay barakacaan.

- Advertisement -

Waxaana la hadal-hayaa inay tiraddaasi gaari doonto Hal Billion oo qof marka la gaaro sannadka 2050-ka.

Tiro-koobyo laga argagaxo ayaana ka muuqda dadka ku dhibaataysan Caalamka, iyadoo 9-kii qofba midkooda gaajaysan yahay.

Warbixin lagu soo beegay Sannad-guuradda 7-aad ee Maalinta Aadminimadda Caalamka ee World Humanitarian Day ayaa waxaa lagu baaqay in si Caalami ah looga hortago dhibaatooyinka haysta dadka ku nool goobaha ay ka dhacaan Masiibooyinka Dabiiciga, Colaadaha iyo Macluusha.

- Advertisement -

Warbixinta Munaasabadda Maalinta Aadmnimadda Caalamka ayaa loogu baaqay Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon inuu qaado tallaabooyin lagu yareynayo khasaaraha Aadminimo iyo dhibaatadda ee ka dhasha colaadaha hubeysan.

Waxaa kaloo Hoggaamiyayaasha Caalamka, Ganacsatadda iyo Bulshooyinka  loogu baaqay inay ka soo qeyb galaan Shirweyne looga hadli doono Aadminimadda, oo la qorsheynayo in magaalladda Istanbul ee dalka Turkiga lagu qabto bisha May ee sannadka soo socda.

Shirweynahaasi ayaa noqon doona mid qeylo-dhaan caalami ah loogu muujinayo Aadminimadda.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey walaaca laga qabo Badbaadada Samafalayaasha ku hawlan inay kaalmeeyaan dadka ku tabaalaysan Caalamka.

Samafalayaal Hay’addo Maxali iyo kuwo Caalami u shaqeeya ayaa waxaa sannadkii hore lagu dilay dalalka Syria, Afganistan, Pakistan, South Sudan iyo Afrikadda Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Dabaaldegga Maalinta Aadminimadda Caalamka ee maanta loo dabaal-degayo ayaa waxay muujinaysaa inay Caalamka ku soo kordhayaan Tacadiyadda ka dhanka ah Aadminimadda,  iyadoo in ka badan 100 million oo qof yihiin kuwo u baahan in la gaarsiiyo Kaalmooyin Samafal oo nolol-badbaadin ah.

Ma muuqdaan ifafaalo horseedi kara in si Caalami ah wax looga qabto Ka-hortagga Colaadaha, Macluusha, Cuddurka iyo Masiibooyinka Dabiiciga.

Maalinta Aadminimadda Caalamka ayaa waxaa loogu talagalay in la isku wacyi-geliyo Arrimaha Aadmnimadda, si loo dareemo xaqiiqda dhabta ee ay ku nool yihiin Malaayiinta qof ee wehelka u ah dhibaatooyinka nololeed ee ay sababaaan colaadaha, macluusha iyo Masiibooyinka Dabiiciga.

© Radio Dalsan

 

Latest stories