HomeWarar(Faallo): Xikmadda Mooshin-jecelka iyo Khatarta Qaran ee ka dhalan karto !!!

(Faallo): Xikmadda Mooshin-jecelka iyo Khatarta Qaran ee ka dhalan karto !!!

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Siyaasi kasta oo dareen Waddanimo leh, waxa uu garwaaqsaday in aysan Aragti habboon ahayn in xilligan la dhoodhoobo Mooshin lagu doonayey in lagu abuuro Qalalaase Siyaasadeed iyo Marin-habaabin khatar laga dhaxli karo. Calaw-siyaasadeed baana la dareemay muddadii ay Xildhibaanadda sheegeen inay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, u gudbiyeen Guddoonka Barlamaanka. Tiradda  Xildhibaanadda […]

- Advertisement -

Siyaasi kasta oo dareen Waddanimo leh, waxa uu garwaaqsaday in aysan Aragti habboon ahayn in xilligan la dhoodhoobo Mooshin lagu doonayey in lagu abuuro Qalalaase Siyaasadeed iyo Marin-habaabin khatar laga dhaxli karo.

Calaw-siyaasadeed baana la dareemay muddadii ay Xildhibaanadda sheegeen inay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, u gudbiyeen Guddoonka Barlamaanka.

- Advertisement -

Tiradda  Xildhibaanadda la sheegay inay saxiixeen Mooshinkaasi oo u badan Xildhibanaadda mashruuca ka dhigtay Mashruuca Mooshin-jecelka ayaa  u muuqda kuwo aan ka baaraan deign maxsuulka ka soo bixi kara Mooshinka ay iclaamiyeen.

Waa hubaal in ay Xildhibaanaddu sababo dahsoon u cuskadeen Eedeymaha ku sidkan Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Dowladda Federalka, waxaana muuqata in laga dareemayo Mooshin lagu degdegay amaba laga leeyahay ujeedooyin ay ku doonayaan  in la af-garto  iyo Gorgortan Siyaasadeed, Xil, Maamul iyo xaallado kale oo lagu soo koobi karo Jiilaalka Siyaasadeed.

Wareysiyadda ay Xildhibaanadda Mooshin-jecelka bixiyeen marka loo kuur galo waxay u muuqdaan inay cuskadeen Qoddobo aan loo haynin qiil dhamaystiran oo uu ansax ku noqon karo Mooshinkooda.

- Advertisement -

Waxaa hubaal inay cuskadeen qoddobo ka baxsan Xadkooda, isla markaana ay Farageliyeen Hawl loo idmaday Hay’addo Qaran.

Tusaale ahaan, Arrinta Ciiddamadda iyo Mushaarkooda waxaa mas’uul ka ah Wasaaradda Difaaca iyo Hoggaanka Ciiddamada Qaranka, marka ma muuqato sababo ay Xildhibaanadda ugu il-duufaan Sharciga, mar hadday iyagu ku magacaaban yihiin Sharci-dejiyayaal Qaran.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan haddii ay Xildhibaanadaasi wehel u noqdeen Daruufaha Jiilaalka Siyaasadeed, kuna daaleen Kuraasta Barlamaanka inay leeyihiin Garowshiyo muuqata.

Haddiise ay Xildhibaanaddu ka tahay Mooshinka  Isbaaro-siyaasadeed, waxay taasi muujin karta inay  ku turunturoodeen Masraxa  Siyaasadda Qaranka, isla markaana aysaan  rajo dambe ka lahayn in lagu aamino Xil Qaran.

Xildhibaanadda u ololeynayo Moshinka ka dhanka Madaxweynaha, waxay u muuqdaan kuwo aan ka  baaraan deign Istaraatijiyadda noocaasi ah iyo Dayaca Danaha Qaranka ee ka dhalan karta  haddii ay ku guuleystaan inay Madaxweynaha casilaan.

Waxtar Siyaasadeed kama dhalan karto haddii ay Xildhibaanaddaasi ku adkeystaan in lagu taageero in Madaxweynaha la casilo, waana hubaal inay dhaqan siyaasadeed ka dhigtaan Mooshin-jecelka ilaa ay hawlgab ka noqdaan Mudanayaasha Barlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Halbeeg kasta oo la saaro Xikmadda Xildhibaanadda Mooshin-jecelka  waxaa la dhihi karaa waxay u muuqdaan kuwo ku adkaysanayo  Danahooda Khaaska ee ku dhisan Cad-yahow ku cunay ama ku ciideeyey oo kale.

© Radio Dalsan

Latest stories