HomeWararDowladda Denmark oo sheegtay inay culays ku hayaan Qaxootiga Soomaalida

Dowladda Denmark oo sheegtay inay culays ku hayaan Qaxootiga Soomaalida

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiiradda  Is-dhaxgalka Bulshooyinka ee dalka Denmark, ayaa ugu baaqday Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR in la adkeeyo Shuruudaha lagu qaabilayo Qaxootiga Magangelyo-doonka ah.

Wasiiradda oo lagu magacaabo Inger Støjberg  ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay sannadkiiba qaabilaan 500 Qaxooyi ah, iyadoo la raacayo Barnaamijka Hay’adda UNHCE ee Dib-u-dejinta Qaxootiga.

“Waa arrin waali ah inaan la wada qaadanin Qaxootiga ee fursadda saxada ku haysta gudaha dalka Denmark” ayey tiri Inger Støjberg .

Waxay intaasi ku dartay in loo baahan yahay inay Qaxootiga garwaaqsadaan inay bartaan Luqadda Danish-ka, dhigtaan Dugsiyadda oo ay wax bartaan iyo inay helaan Shaqooyin.

Wasiiradda  Is-dhaxgalka Bulshooyinka ee dalka Denmark, Inger Støjberg  waxay kaloo ka hadashay inay dhibaatooyin ku qabaan Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka Denmark, oo ay ku tilmaamtay inay yihiin Mushaakil kale oo dheeraad, marka loo eego Qaxootiga kale oo iyagu si fudud loo maarayn karo, waa sida ay hadalka u tiri.

Hadalka Inger Støjberg  ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay Dowladda Denmark dejisay qorshe dib loogu soo celinayo Qaxootiga Soomaalida ee la diiday codsiyadooda Magangelyo-doonka ah, iyadoo ay Dowladda Denmark bixinayso kharajka Adeegga ay Qaxootigaasi ugu soo laaban karaan dalkooda hooyo.

Golaha Qaxootiga ee dalka Denmark (The Danish Refugee Council) ayaa ku booriyey Dowladda Denmark inay inay sii xushmeeyaan Oggolaanshaha qaabilaadda Qaxootiga soo magangala dalkaasi.

Waddanka Denmark waxa uu ka mid yahay 28-ka waddan ee  kaalinta weyn ka qaata Barnaamijka Dib-u-dejinta Qaxootiga ee Hay’adda UNHCR.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories