HomeWararXaaska Ra’isul-wasaare Sharma’arke oo lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee JKIA ee Nairobi

Xaaska Ra’isul-wasaare Sharma’arke oo lagu xiray Garoonka Diyaaradaha ee JKIA ee Nairobi

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Marwo Asha Yasin Hassan oo u dhaxda Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, ayaa lagu xiray Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalladda Nairobi, kadib, markii laga helay xabbadaha qoryaha fudud. Wargeyska Nairobi News ayaa qoray in Xaaska Ra’isul-wasaaraha Somalia laga helay boors gacmeedka ay wadatay 16 xabbo oo rasaasta qoryaha Fudud, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Marwo Asha Yasin Hassan oo u dhaxda Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, ayaa lagu xiray Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) ee magaalladda Nairobi, kadib, markii laga helay xabbadaha qoryaha fudud.

Wargeyska Nairobi News ayaa qoray in Xaaska Ra’isul-wasaaraha Somalia laga helay boors gacmeedka ay wadatay 16 xabbo oo rasaasta qoryaha Fudud, kadib, markii boorsadda la mariyey Qalabka Baritaanka ee yaalla halka wax lagu baaro (The Screening area) ee Garoonka JKIA ee Nairobi.

- Advertisement -

Marwo Asha Yasin Hassan waxaa la qabtay iyadoo Aroornimaddii Sabtida ee la soo dhaafay raaci lahayd Diyaarad ku sii jeeday dalka Maraykanka.

Baarayaasha Garoonka ayey u sheegtay inuu Shandada ay wadatay  uu leeyahay ninkeeda, isla markaana iyadoo degdegsan soo qaatay, iskana baarin waxa ku jiray Shandada.

Marwo Asha Yasin Hassan ayaa la sheegay inaysan lahayn Laysinka Fasaxa ee dadka loogu oggolaado inay qaadan karaan hub.

- Advertisement -

Wargeyska Nairobi News  waxa uu qoray in Marwo Asha Yasin Hassan lagu sii daayey damiin lacageed oo aan cadadeeda la shaacinin, waxaana loo oggolaaday inay safarkeeda sii wadato, iyadoo  raacday Diyaaradda ku sii jeeday Maraykanka.

 

Dhinaca kale, Taliye-xigeenka Boliska ku sugan Garoonka Caalamiga ee Nairobi,   Joseph Nthenge ayaa sheegay   in Marwo Asha Yasin Hassan la soo taagi doono Mackamad, marka ay ka soo laabato safarka ay ugu ambabaxday dalka Maraykanka.

 

Xigasho:- Nairobian News

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts