HomeWararXildhibaanadda Barlamaanka Federalka oo ku kala qeybsan Moshinka ka dhanka ah Madaxweyne...

Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka oo ku kala qeybsan Moshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Iyadoo ay 93 Xildhibaano  ka tirsan Barlamaanka Federalka ay dhawaan soo saareen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa soo baxayo inay Xildhibaanadda ku kala Aragti duwan yihiin Mooshinkaasi oo loo gudbiyey Guddoonka Barlamaanka Federalka. Xog hoose oo ay Radio Dalsan heshay ayaa waxay  u xaqiijiyeen inay  Xildhibaanadda Mooshinka keenay u xusul-duubayaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo ay 93 Xildhibaano  ka tirsan Barlamaanka Federalka ay dhawaan soo saareen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa soo baxayo inay Xildhibaanadda ku kala Aragti duwan yihiin Mooshinkaasi oo loo gudbiyey Guddoonka Barlamaanka Federalka.

Xog hoose oo ay Radio Dalsan heshay ayaa waxay  u xaqiijiyeen inay  Xildhibaanadda Mooshinka keenay u xusul-duubayaan sidii ay u kasban lahaayeen Tiro ka mid ah Xildhibaano kale.

- Advertisement -

Waxaana socda shirar hoose oo ay Xildhibaanadaasi ugu ololeynayaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen Cod-bixinta Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Barlamaanka ee ka soo horjeeda Mooshinkaasi ayaa rumeysan inaan xilligan loo baahnayn in la abuuro Xasilooni-darro Siyaasadeed, lana carqaladeeyo Hawlaha guud ee Qaranka.

Xildhibaanadda dhexdhexaadka ka ah Mooshinka, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan Khilaafkaasi iyo inay ku biiri doonaan Xildhibaanadda u ololeynayo Mooshinkaasi iyo inay ku biiri doonaa kuwa ka soo horjeeda.

- Advertisement -

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka mid ah Xildhibaanadda Mooshinka ka gudbiyey Mdaaxweynaha Dowladda Federalka, ayaa sheegay inay haystaan AQlabiyad badan oo Xildhibaano, isla markaana ay muddo lix bilood ka tashanayeen Mooshinka ay ku doonayaan in xilka looga xayuubiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Si kastaba ha ahaatee, 275-ka Xildhibaan ee ka tirsaan  Barlamaanka Federalka ayaa waxay had iyo jeer ku kala qeybsamaan Mooshinadda ka dhanka ah Madaxda Qaranka, waxaana la xususutaa Xiisaddii ka dhex taagnayd Hoolka Barlamaanka bishii November ee kal hore, markii la qaadayey Moshinka Codka  Kalsoonida ee Ra’isul-wasaarihii hore ee Xukuumadda Federalka, C/weli Sheekh Axmed.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts