HomeWararDiyaarado AMISOM loo ballanqaaday saddex sanno ka hor oo aan weli soo...

Diyaarado AMISOM loo ballanqaaday saddex sanno ka hor oo aan weli soo gaarsinin

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Maman Sidikou ayaa xaqiijiyey inaysan weli soo gaarin 12-Diyaaradaha Helikopterradda oo loo deeqay Hawlgalka AMISOM sannadkii 2013-kii.

Waxa uu tilmaamay inay u baahan yihiin Taageero iyo in loo maalgeliyo sid ay Diyaaradaasi u noqdaan kuwo xaallad wanaagsan leh.

Ambassador Maman Sidikou waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka AMISOM dhibaato ku qabaan xaalladda xun ee Waddooyinka Somalia isla markaana ay u baahan yihiin qalabka looga hortago Miinooyinka ee IEDs.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Maman Sidikou waxa kaloo uu sheegay inay Ururka Midowga Europe qorsheynayaan inay sannadka soo socda dhimmi doonaan 20% dhaqaalihii ay siin jireen Hawlgalka AMISOM.

Waxa kaloo uu sheegay inaan la dhimi Karin tirada guud ee ciiddanka AMISOM oo haatan gaarayo 22,000 oo Askari.

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Maman Sidikou oo Wareysi siiyey Wargeyska The East African ayaa ka soo horjeestay Baaqa Siyaasiyiinta Kenya ee ku aadan in Ciiddanka Kenya laga soo saaro Somalia, wuxuuna tilmaamay inay Ciiddankaasi qabtaan waxa uu ugu yeeray Shaqo Lala yaabay, isla markaana aan loo baahnayn in la niyad-jebiyo.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories