HomeWararDagaalamayaasha Alshabaab oo muddo kooban ku sugnaa Tuullo ku taalla duleedka Degmadda...

Dagaalamayaasha Alshabaab oo muddo kooban ku sugnaa Tuullo ku taalla duleedka Degmadda Lamu ee dalka Kenya

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Ku-dhawaad boqol dagaalyahan oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab ayaa la sheegay inay aroornimaddii shalay muddo hal saacadood ku sugnaayeen Tuulladda Basuba ee duleedka Lamu ee dalka Kenya.

Goobjoogayaal codsaday inaan magacooda la soo xiganin ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation  inay Dagaalyahannadda ku amreen dadka Tuulladda inay ka soo baxaan guryahooda, si ay u dhegeystaan Khudbado Diini ah oo ay xubno ka tirsan Alshabaab u jeediyeen.

Goobjoogaha waxa uu intaasi ku daray inay in ka badan 300 qof oo Tuulladda degganaa laga toosiyey hurdada abaarihii 5-tii aroornimo,  loona khudbeeyey ilaa 6-dii aroornimo.

Goobjoogaha waxa kaloo uu tilmaamay inay Dagaalyahannadda Alshabaab aad u hubeysnaayeen, isla markaana ay dadkii u wacdiyey ku jireen labo nin iyo labo haween oo caddaan ahaa.

Dagaalamayaasha Alshabaab ee muddada  kooban ku sugnaa  Tuulladda Basuba ee duleedka Lamu ayaa la sheegay inay dadka Deegaanka kula taliyeen inaysan raacin gaadiidka Boliska iyo kuwa Milliteriga, si aysan dhibaato ugala kulmin  bartilmaameedyadooda.

Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay iskooda uga ambabaxeen Tuulladdaasi, kuna laabteen Dhulka Kaymaha leh ee Boni Forest.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories