HomeWararCiiddanka Kenya oo la sheegay inaysan ka bixi doonin Somalia ilaa Maamulo...

Ciiddanka Kenya oo la sheegay inaysan ka bixi doonin Somalia ilaa Maamulo looga dhisayo Deegaannadda lagala wareegay Alshabaab

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Taliyihii hore ee Ciiddanka Kenya, Julius Karangi ayaa sheegay inaan la gaarin xilligii ay Ciiddanka Kenya laga soo saari lahaa gudaha dalka Somalia,  wuxuuna sheegay inuu Kharaj ku dhumayo haddii la qaato go’aankaasi. “Taasi waxay noqon doontaa mid kharaj kaga lumay Kenya, waayo waxaan ku bixin kharajka dhiigga dadkeenna” ayuu yiri Jeneralka Hawlgabka ee Julius […]

- Advertisement -

Taliyihii hore ee Ciiddanka Kenya, Julius Karangi ayaa sheegay inaan la gaarin xilligii ay Ciiddanka Kenya laga soo saari lahaa gudaha dalka Somalia,  wuxuuna sheegay inuu Kharaj ku dhumayo haddii la qaato go’aankaasi.

“Taasi waxay noqon doontaa mid kharaj kaga lumay Kenya, waayo waxaan ku bixin kharajka dhiigga dadkeenna” ayuu yiri Jeneralka Hawlgabka ee Julius Karangi oo isagu ah Taliyihii Ciiddanka Kenya ee amray inay Ciiddankaasi soo galaan Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2012-kii.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inaysan xilligan diyaar u ahayn inay Ciiddanka kala soo baxaan Somalia, ilaa Maamulo looga dhisayo Deegaannadda lagala wareegayo Dagaalamayaasha Alshabaab, si aysan mar kale Alshabaab u qabsanin, waa sida uu hadalka u yiri.

Julius Karangi waxa uu tilmaamay in Hawlgalka haatan dhiman uu yahay kuwa ku hawlgalayo Qoryaha AK 47, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi micnaheeda ahayn in laga faraxashay Dagaalka lagula jiro Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale,  Taliyihii hore ee Ciiddanka Kenya, waxa uu sheegay inay Ciiddanka Kenya iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan Somalia ku wajahan yihiin sidii ay ula wareegi lahaayeen Daaganadda ay Alshabaab ku xooggan yihiin.

Latest stories