HomeWararAmbassador Maman Sidikou, oo sheegay inuu is-casili doono, haddii aysan Somalia sare...

Ambassador Maman Sidikou, oo sheegay inuu is-casili doono, haddii aysan Somalia sare u kicin

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Maman Sidikou ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Eastern African ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna sheegay inay dadka Soomaaliyeed ka soo kabanayaan  colaadihii sokeeye, isla markaana lagu hawlan yahay Dhismaha Dowladnimo iyo Hay’addaha Ammaanka. Waxa uu tilmaamay inuusan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Ambassador Maman Sidikou ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Eastern African ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna sheegay inay dadka Soomaaliyeed ka soo kabanayaan  colaadihii sokeeye, isla markaana lagu hawlan yahay Dhismaha Dowladnimo iyo Hay’addaha Ammaanka.

Waxa uu tilmaamay inuusan Somali u arkin meel cabsi leh, isla markaana muhiimadda tahay sidii Bulshooyinka loo tusin lahayn wax kasta oo ay AMISOM qabato.

- Advertisement -

“Haddii aan rumeysnayn inay Somalia mar kale sare u kici doonto, waa inaan iska casilaa Xilka” ayuu yiri Ambassador Ambassador Maman Sidikou.

Mar wax laga weydiiyey inuu ka hadlo Warbixintii Hay’adda Human Rights soo saartay sannadkii hore oo lagu eedeeyey inay Ciiddanka AMISOM, kuwa Dowladda Federalka iyo Dagaalamayaasha Alshabaab geysteen Tacadiyo ka baxsan Aadminimadda, waxa uu sheegay inuu ka hadli karo Arrimaha AMISOM ee uu Madaxda ka yahay, wuxuuna ku eedeeyey Human Rights Watch inay La-tashi la’aan u daabacday Warbixintaas.

Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ee Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM waxa kaloo wax laga weydiiyey qaabka ay Dowladda Somalia iyo Ururka Midowga Afrika u yareyn karaan dilalka dhaca, waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay inay dalalka xubnaha ka ah Ururka AU-da inay wadaagaan Hawlaha Sirdoonka.

- Advertisement -

Wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Xarumaha dhexe ee AMISOM yihiin Taliska Kontoroolka iyo Xiriirinta Hawlgalka AMISOM, si loo soo celiyo Ammaanka Somalia.

Ambassador Maman Sidikou, waxaa kaloo wax laga weydiiyey Xiriirka Diplomaasiyadeed iyo Safaaradaha laga furanayo Somalia inay kaalin ka qaadan karaan Deganaanshaha Somalia, waxa uu tilmaamay inay tahay Farriinta xooggan ee loo dirayo Ummadda Soomaaliyeed oo ay AMISOM taageerayso.

“Haa, waxaa jiri karta khataro, laakiin waxaa loo baahan yahay inaan halkaasi joogno, sida Kenya, Burundi, Uganda, Djiboutu, Turkiga, Midowga Europe iyo Ururka Jaamacadda Carabta” ayuu yiri Ambassador Maman Sidikou.

Xigasho: The Eastern African

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts