HomeWararHaweeney Somali British oo horey ugu biirtay Daacish, kuna xayiran Turkiga oo...

Haweeney Somali British oo horey ugu biirtay Daacish, kuna xayiran Turkiga oo qorsheynaysa inay iyada iyo ciyaalkeeda dib ugu laabtaan Britain

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Haweeneydaasi oo carmalo ah ayaa la sheegay inay iyada iyo dhowr carruur oo ay dhashay ku xayiran yihiin gudaha dalka Turkiga, kadib, markii ay si dhuumaalaysi ah kaga soo baxsadeen magaalladda Raqa ee dalka Syria oo ay Dagaalamayaasha Daacish ku xooggan yihiin.

Haweeneydaasi oo magaceeda lagu sheegay Shukri Begum ayaa la rumeysan yahay inay deganaan jirtey magaalladda Manchester ee dalka Britain, balse waxay 12-kii bilood ee la soo dhaafay la noolayd ninkeeda oo ahaa Jihaadiste British, kaasi oo lagu dilay dagaalka ay Maleeshiyadda Daacish ka wadaan dalka Syria.

Wargeyska The telegraph ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray in Haweeneydaasi oo asalkeedu yahay Somali doonayso inay iyada iyo carruurteeda oo kala ah saddex gabdhood iyo wiil  dib ugu laabtaan Britain.

Qoyskaasi ayaa la sheegay inay ku dhuumalaysanayaan gudaha Turkiga, , iyadoo nin gacan ka geystay Baxsadkooda uu sheegay inay kaka cabsi qabaan inay Dagaalamayaasha Daacish si qarsoodi ah ugu khaarijiyaan gudaha Turkiga.

Dhinaca kale, Afhayeen Dowladda Britain u hadlay ayaa u xaqiiyey  Wargeyska The Telegraph inay ka war heleen Kiiskaasi, isla markaana Taageero Qunsuliyadeed loo fidinayo Haweeneyda iyo carruurteeda, si ay ugu soo laabtaan dalka Britain.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Turkiga la wadaageen Arrinta Qoyskaasi, isla markaana ay si dhow uga wada shaqeynayaan arrintaasi.

Ma kala cadda in Haweeneydaasi lagu soo oogi doono dacwado la xiriira inay ku biirtay Koox Argagixiso haddii ay ku laabato dalka Britain.

 

Xigasho: Telegraph

 

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories