HomeWararBoliska Kanada oo gacanta ku dhigay Haweeney Somali lagu eedeynayo inay carruur...

Boliska Kanada oo gacanta ku dhigay Haweeney Somali lagu eedeynayo inay carruur ay dhashay ka soo afduubatay dalka Britain

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Boliska magaalladda Toronto ee dalka Kanada ayaa sheegay inay qabteen Haweeneydaasi oo ay muddo shan sanno ah si Heer Caalami loo baadi-goobayey, kadib, markii lagu eedeeyey inay qafaalatay labo carruur oo ay dhashay.

Ciiddanka Khaaska ee dalka Kanada ayaa sheegay inay Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Anisa Ibrahim ku qabteen gudaha dalka Kanada, kadib, markii la la’aa iyada iyo carruurteeda tan iyo bishii April ee sannadkii 2010-kii.

Boliska waxay sheegeen inay Haweeneydaasi iyo labadeeda carruur ee Khalid iyo Ahmed oo horey ugu noolaa magaalladda Manchestar ee dalka Britain laga helay magaalladda Hamilton ee Gobalka Ontario, kadib, markii Boliska si hoose loogu soo wargeliyey arrintaasi.

Boliska Toronto waxay  kaloo sheegeen  inay rajeynayaan inay Hawweneydaasi magac kale ku joogtay halkaasi.

Anisa Ibrahim oo 35 jir ah ayaa waxaa haatan lagu soo oogayaa inay sharci-darro u haysatay cauurteeda iyo inay ka madax adeegtay Amar ka so obaxay Maxkamad ku taalla magaalladda Manchester ee dalka Britain.

Anisa iyo labadeeda carruur ayaa la sheegay inay dalka Kanada soo galeen bishii April ee sannadkii 2010-kii, kadib, markii ay ka soo ambabaxday dalka Britain, soona martay Jarmalka, ka hor intaysan imaanin Kanada.

Aabaha dhalay carruurtaasi oo lagu magacaabo Cabdulle Abuubkar oo 45 jir ayaa horey u sheegay inay Boliska Britain ka gaabiyeen sidii lagu heli laaha Xaaskiisii hore iyo labadiisa carruur, wuxuuna ku eedeeyey Mujtamaca Soomaalida ku nool Manchester inay Boliska ka joojiyeen sidii lagu heli lahaa carruurtiisa.

Waxa uu tuhunsanaa in ay xaaskiisii hore carruurtisia ula baxsatay, kuna nool yihiin gudaha dalka Somalia.

Cabdulle Abuubakar iyo Anisa Ibrahim ayaa la sheegay inuu sannadkii 2004-kii isku guursadeen magaalladda Manchester ee dalka Briatin, ka hor intaysan kala tegin sannadkii 2007-dii.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories