HomeWararUhuru Kenyatta oo sheegay in Ciiddanka ka joogo Somalia uu xil ka...

Uhuru Kenyatta oo sheegay in Ciiddanka ka joogo Somalia uu xil ka saaran yahay sidii ay Alshabaab uga difaaci lahaayeen dadka Kenyaanka

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Ciiddanka Kenyaanka ee ku sugan gudaha Somalia mas’uuliyad ka saran tahay sidii ay dalka uga badbaadin lahaayeen Khataraha, wuxuuna xusay inay Dowladda kordhin doonto taageeradda ay siiyaan Milliteriga Kenya.

“Waxaad taagan tihiin aagga hore ee dagaalka, si aad u difaacdaan dalkeenna, sidaasi si la mid ah waxaa annaga mas’uul naga saaran yahay inaan wax kasta idinku taageerno” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo ammaanay Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Waxa  uu intaasi ku daray inay Ciiddanka u ballan qaadeen  inuusan Hawlgalka Ammaanka ee Somalia ahayn oo keliya Deganaanshaha Somalia, balse ay qeyb ka tahay sidii ay ilaalo uga noqon lahaayeen Ammaanka dadka Kenyaanka.

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in ay Askarta Kenya ogaadaan in cabsida Alshabaab ahayn mid khatar iyo deganaansho la’aan ku ah Somalia, balse ay khatarta Alshabaab ka soo gudubeen xuduudka Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo ay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladiisa dhowr jeer ku baaqeen in Ciiddanka Kenya laga soo wada saaro gudaha Somalia, si looga nabad galo Hawlgalladda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories