HomeWararSiyaasiyiinta Soomaalida Kenya oo la kulmi doona Uhuru Kenyatta

Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya oo la kulmi doona Uhuru Kenyatta

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Siyaasiga Aadan Barre Ducaale ee aqlabiyadda ku dhex leh Barlamaanka Kenya ayaa sheegay inay Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Waxbarashadda ee Gobalka W/bari Kulan Guud la yeelaan doonaan Madaxweynaha Kenya, si la iskula meel dhigo caqabadaha iyo amni-xumida ka jirto Gobalkaasi. Waxa uu intaasi ku daray inay Madaxweyne Uhuru la kulmi doonaan Maalinta Arbacadda ee soo socota. […]

- Advertisement -

Siyaasiga Aadan Barre Ducaale ee aqlabiyadda ku dhex leh Barlamaanka Kenya ayaa sheegay inay Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Waxbarashadda ee Gobalka W/bari Kulan Guud la yeelaan doonaan Madaxweynaha Kenya, si la iskula meel dhigo caqabadaha iyo amni-xumida ka jirto Gobalkaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Madaxweyne Uhuru la kulmi doonaan Maalinta Arbacadda ee soo socota.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Aadan Barre Ducaale waxa uu ka hadlay Imtixaanadda Ardayda dhigata Dugsiyadda Gobalka W/bari oo ay Wasaaradda Waxbarashadda Dowladda Dhexe horey u sheegtay in dib loo dhigay Qabashadda Imtixaanaadka sababo dhinaca ammaan-xumida.

Waxa uu tilmaamay inay Hoggaamiyayaasha Gobalka  dadaal u geli doonaan si aan Imtixaanadda dib loogu dhigin, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Imtixaanaadka la qaadi doono bilowga sannadka soo socda.

Wasiirka Waxbarashadda ee Kenya, Jakob Kaymenyi  waxa uu bishii hore ee July 22-dii ka codsaday Guddiga Waxbarashadda ee Barlamaanka in dib loo dhigo qaadista Imtixaanaadka Dugsiyadda ku yaalla Gobalka W/bari.

- Advertisement -

Tan iyo bilowgii sannadkan, Golaha Macallimiinta Kenya waxay bedelen 886 Macallimiin aan u dhalanin Garissa, kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab dhowr jeer weeraro ka geysteen W/bari Kenya oo dad lagu dilay.

Latest stories