HomeWararSaraakiil ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo...

Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo isku dilay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Gaashaanle  Aaron Kitakure oo ka tirsanaa Ciiddanka Uganda ee Hawkgalka AMISOM ayaa la sheegay inuu dilay Haweeney uu saaxiib la ahaa, oo ay ka wada tirsanaayeen Askarta Uganda ee ku sugan Somalia. Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray inuu Sarkaalkaasi dilay saaxiibtiisa, kadibna uu isagana is-khaarijiyey, waxaana la sheegay inay […]

- Advertisement -

Gaashaanle  Aaron Kitakure oo ka tirsanaa Ciiddanka Uganda ee Hawkgalka AMISOM ayaa la sheegay inuu dilay Haweeney uu saaxiib la ahaa, oo ay ka wada tirsanaayeen Askarta Uganda ee ku sugan Somalia.

Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaalladda Kampala ayaa qoray inuu Sarkaalkaasi dilay saaxiibtiisa, kadibna uu isagana is-khaarijiyey, waxaana la sheegay inay ahaayeen Lammaanayaal saaxiibo ah oo uu ka dhexeeyey  xiriir jacayl .

- Advertisement -

Dilkaasi ayaa la sheegay inuu maalintii Axadda ee la soo dhaafay ka dhacay Saldhig ay AMISOM ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, mana kala cadda sababaha ay  Sarkaalkaasi iyo saaxiibtiisa isku qoonsadeen.

Afhayeenka Ciiddanka Uganda, Gaashaanle-sare Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyey inay Lammaanahaasi oo Saraakiil ahaa geeriyoodeen, isla markaana la bilaabay baaritaano.

“Waa run inay labadooda geeriyoodeen, waxaana haatan socda baaritaano, mana bixin karo faahfaahin dheeraad ilaa laga soo dhamaystirayo Baaritaankaasi” ayuu ku gaabsaday Afhayeenka Ciiddanka Uganda.

- Advertisement -

Ilaa 8,000 oo Askar Ugandhese ah ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, waxayna Ciiddankaasi dagaal kula jiraan Xarakadda Alshabaab tan iyo sannadkii 2007-dii.

 

Latest stories