HomeWararMadaxweynaha oo hawlwadeenada Bankiga Dhexe ku ammaaney waxqabadkooda

Madaxweynaha oo hawlwadeenada Bankiga Dhexe ku ammaaney waxqabadkooda

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kormeer ku tagey xarunta Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, isagoo u kuurgalayey habsami u socodka hawlaha bankiga.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Bashiir Ciise Cali, Guddoomiye Ku Xigeenka Bankiga, Maryan Cabdullaahi Yuusuf iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda bankiga kala hadley qorshaha dowladdu ku dooneyso in la sameeyo lacag shilin Soomaali ah oo wax looga qabanayo dhaqaalaha dalka, horumarinta hawlaha la xiriira maareynta maaliyadda iyo qaabeynta hay’adaha maaliyadda ee dalka ka hawlgala.

Madaxda bankiga ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey hawlaha bankiga ka socda, tayeynta adeegyada iyo dadaalka bankiga ugu jiro inuu si buuxda dib ugu soo nooleeyo dhammaan adeegyadii muhiimka ahaa ee uu qaranka u hayey.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

IB0A2158
IB0A2387
IB0A2247
IB0A2395

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories