HomeWarar(FAALLO): Mooshinka Xildhibaanadda ee ka dhanka Madaxweynaha DFS, Ma Gar-siyaaasdeed baa mise...

(FAALLO): Mooshinka Xildhibaanadda ee ka dhanka Madaxweynaha DFS, Ma Gar-siyaaasdeed baa mise Xujo-siyaasadeed?

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Xulafaysi Xildhibaano, Aragtiyo Qarsoon, Isbaaro  Shaqsiyadeed, min Beel iyo Isbahaysi  iyo Eedeymo Siyaasadeed ayaa waxaa laga dareemayaa nuxurka Mooshinka cusub ee la sheegay inay 91 Xildhibaan saxiixeen, una gudbiyeen Xoghayaha Barlamaanka Federalka. Xildhibaanadda waxay ku eedeynayaan Madaxweynaha inuu ku tumanayo Dastuurka, iyo inay Madaxtooyada ka gaabinayaan inay Ciiddanka siiyaan xuquuqdooda. Xildhibaanadaasi ayaa la rumeysan yahay […]

- Advertisement -

Xulafaysi Xildhibaano, Aragtiyo Qarsoon, Isbaaro  Shaqsiyadeed, min Beel iyo Isbahaysi  iyo Eedeymo Siyaasadeed ayaa waxaa laga dareemayaa nuxurka Mooshinka cusub ee la sheegay inay 91 Xildhibaan saxiixeen, una gudbiyeen Xoghayaha Barlamaanka Federalka.

Xildhibaanadda waxay ku eedeynayaan Madaxweynaha inuu ku tumanayo Dastuurka, iyo inay Madaxtooyada ka gaabinayaan inay Ciiddanka siiyaan xuquuqdooda.

- Advertisement -

Xildhibaanadaasi ayaa la rumeysan yahay inay abaareen Jiho aan sax ahayn, waayo Guddiyadda Difaaca iyo Maliyadda ee BFS ayaa ka mas’uul ah inay raadraac hufan ku sameeyaan eedeymahaasi oo u muuqda arrimo Farsamo, haddaan la siyaasad-xumaynaynin.

Ma aha Nidaam  Dowladnimo in Mas’uuliyiinta ka tirsan Golayaasha Dowladda u arkaan garawshiyo inay eedeymaha isku dhaafsadaan Saxaafadda, iyadoo ay Mas’uuliyiinta wax gocanayo fursado u heli karaan inay qaab hoose  isku xog wareystaan si loo saxo Khilaafyadda iyo qaladaadyadda ka muuqda Nidaamka Dowladnimo.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan dhacdooyin siyaasadeed oo ay Xildhibaanadda ka gaagaxsan yihiin, iyagoo u arkay Mooshinka qalab-dagaal oo ay ku gorgotami karaan, si ay u heleen cadka siyaasadeed ee ay ku awr-kacsanayaan.

- Advertisement -

Mashruuca Mooshinadda ee caynba caynka ah ayaa waxaa soo iqtiraaca Xildhibaanadda saluugga dahsoon muujinaya, waxaana laga markhaati yahay inay Xildhibaanaddii sannadkii hore soo bandhigay Mooshinkii Koowaad ee ka dhanka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ololahoodii shiiqmay, kana laabteen Qorshihii Mooshinka.

 

Mashruuca Mooshinnadda ee marba la soo hindisayo ayaa laga dheehan karaa inay weli jiraan Mas’uuliyiin caqabad ku ah Hannaanka Dowladnimo, isla markaana ay u muuqdaan kuwo ku gorgortamayo Mooshinadda oo hadba Mas’uul  lagala dul-dhacayo.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay jiraan gacmo kale oo qarsoon, oo iyagu soo abaabulayo Jahwareerka Siyaasadda, xilli ay Dowladda Federalka  horumar ka samaynayso Dhismaha Maamul-gobaleedyadda, inkastoo lagu fashilmay Doorashadda Madaxtinimadda ee sannadka soo socda oo asaas muhiim u ah Hiigsiga cusub ee Somalia.

Waa hubaal in Madaxweynuhu yeelan karo Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Hoggaamintiisa, waana Nidaam Dimuqraadi in la dhaliilo, isla markaana farta lagu godo Hoggaamintiisa, waxaana la gudboon inuu Khibrad ka kororsado Dhaliilaha loo soo jeedinayo, si uu isku turxaan bixiyo dhaliilaha siyaasadeed ee loo soo jeediyo.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanadda haatan soo bandhigay Mooshinka waxay u badan yihiin Xildhibaanadii hor boodi jiray Mooshinkii Koowaad, kuwaasi oo laga markhaati yahay inay Aragtidooda beddeleen, kadib, markii ay shirar Siyaasadeed oo Isfaham keenay la galeen Madaxtooyadda.

Markaynu isku soo duubno, waxaa isweydiin mudan Mooshinka Xildhibaanadda ee ka dhanka Madaxweynaha Dowladda Federalka Ma Gar-siyaaasdeed baa mise Xujo-siyaasadeed ?

WQ: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Latest stories