HomeWararDowladda Ethiopia oo ka hadashay Isbedelka Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia

Dowladda Ethiopia oo ka hadashay Isbedelka Siyaasadda iyo Ammaanka Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir-sannadeedka Safaaradaha iyo Diplomaasiyiinta Ethiopia ku leeyihiin Caalamka oo lagu qabtay Hotelka Ghion ee magaalladda Addis Abeba, wuxuuna sheegay in isbedel laga dareemayo Siyaasadda iyo Ammaanka ee dalka Somalia.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in Shirweynihii 53-aad ee Golaha Wasiiradda ee Dowladaha ku jira Urur-gobaleedka IGAD ee lagu qabtay magaalladda Muqdisho muujinayso in sannadkan isbedel wanaagsan laga dareemayo xaalladda Siyaasadda iyo Ammaanka ee Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in uu Shirka Wasiiradda ee IGAD tilmaam u tagay caddaynta xaalladda Somalia, iyo inay Somalia u furan tahay Ganacsiga Caalamka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ethiopia, Dr. Tedros Adhanom waxa kaloo uu soo hadal qaaday Heshiiskii ay Dowladda Federalka Somalia iyo Maamulka KMG ee Jubbaland ku saxiixdeen magaalladda Addis Abeba, wuxuuna xusay inuu dadaalkaasi yahay dhabaha saxda ee Dhismaha Nidaamka Maamul-gobaleedka.

 

“Heshiiskaasi oo ay Dowladda Ethiopia taageertay waa tallaabo muhiim ah oo horseedi karta inuu Maamulka Jubbaland  keeno Nabad”  ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay Saraakiisha Ethiopia ku hawlan yihiin sidii loo mideyn lahaa Siyaasiyiinta Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo, oo iyagu haatan ku guda-jira shirar iyo Xil-wareejin ay hayinka u hayaan Saraakiisha Ethiopia iyo kuwa Urur-gobaleedka IGAD.

Xigasho: mfa.gov.et

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories