HomeWararMuhaajiriin la socotay dooni ka soo shiraacatay xeebaha Libya oo qaar la...

Muhaajiriin la socotay dooni ka soo shiraacatay xeebaha Libya oo qaar la badbaadiyey, kuwa kalena la la’ yahay

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Qoraal la soo dhigay Twitterka Ciiddanka Badda Talyaaniga ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka badbaadiyeen dooni ay la socdeen Tahriibayaal ka soo ambabaxay Xeebaha Libya, kuna soo jeeday Talyaaniga. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Markabka Dagaalka ee FENICE uu soo badbaadiyey Tahriibayaasha oo la socotay dooni nooca cinjirka, balse wax faahfaahin ah lagama bixin tirade Muhaajiriinta […]

- Advertisement -

Qoraal la soo dhigay Twitterka Ciiddanka Badda Talyaaniga ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka badbaadiyeen dooni ay la socdeen Tahriibayaal ka soo ambabaxay Xeebaha Libya, kuna soo jeeday Talyaaniga.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Markabka Dagaalka ee FENICE uu soo badbaadiyey Tahriibayaasha oo la socotay dooni nooca cinjirka, balse wax faahfaahin ah lagama bixin tirade Muhaajiriinta la badbaadiyey.

- Advertisement -

Wakaalladaha Wararka Talyaaniga ayaa sheegay in ku-dhawaad 50 Tahriibayaal la badbaadiyey, inkastoo kuwo kalena ay badda ku hafteen.

Qaar ka mid ah Tahriibayaasha soo badbaaday ayaa sheegay in 50 kale ay geeriyoodeen, kadib, markii ay doonida la kulantay dhibaato.

Ciiddanka Badda Talyaaniga kama hadlin haddii ay jiraan Tahriibayaal geeriyootay, ka hor inta aan loo gurmanin Tahriibayaasha.

- Advertisement -

Afhayeennadda Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegtay in Tahriibayaasha la badbaadiyey loo daad-gureeyey Jesiiradda Lampedusa. Waxayna intaasi ku dartay inaysan hayn xog ku saabsan inay Tahriibayaal geeriyodeen.

Ku-dhawaad 200 Tahriibayaal ayaa bilowgii bishan ku geeriyootay Xeebaha ka baxsan Badda Libya, kadib, markii ay la degtay Doonidii ay la socdeen.

In ka badan 400 ayaa ka badbaaday doonidaasi degtay.

Latest stories