HomeWararShiinaha oo qalab Milliteri ugu deeqday Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah...

Shiinaha oo qalab Milliteri ugu deeqday Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Shiinaha ayaa maanta sheegat inay Dowladda Uganda ugu deeqeen Qalab Milliteri oo qiimihiisu dhan yahay 5.5 million oo Dollar. Deeqdaasi ayaa ah tii ugu ballaarnayd ee ay Wasaaradda Difaaca Shiinaha ugu deeqaan Milliteriga Uganda dhowrkii sannadood ee la soo dhaafay. Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ee dalka Uganda, Jeneral Jeje Odongo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Shiinaha ayaa maanta sheegat inay Dowladda Uganda ugu deeqeen Qalab Milliteri oo qiimihiisu dhan yahay 5.5 million oo Dollar.

Deeqdaasi ayaa ah tii ugu ballaarnayd ee ay Wasaaradda Difaaca Shiinaha ugu deeqaan Milliteriga Uganda dhowrkii sannadood ee la soo dhaafay.

- Advertisement -

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ee dalka Uganda, Jeneral Jeje Odongo ayaa ka guddoomay qalabkaasi Danjiraha Shiinaha uga wakiilka ah Uganda, Ambassador  Zhao Yali, wuxuuna ka mahad celiyey Taageeradaasi, oo lagu horumarinayo Khibradda iyo Awoodda Ciiddanka Uganda.
Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee Ugand, Jeberal Edward Katumba Wamala ayaa sheegay in qalabkaasi loo gudbin doono Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM si loo casriyeeyo qalabkooda.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Kampala, Ambassador Zhao Yali ayaa soo dhaweeyey qorshaha Kaalmadda Milliteri loogu soo daad-gureynayo Hawlgalka Somalia, wuxuuna ku ammaanay Dowladda Uganda  kaalinta ay ka qaataab Nabadda iyo Deganaanshaha Gobalka.

Danjiraha waxa uu carrabka ku dhuftay inay Dowladaha Uganda iyo Shiinaha dan guud ka leeyihiin dadaalka loogu jiro Nabadda Gobalka.

- Advertisement -

“Waxaa haatan na soo wajahay weeraro Argagixiso, waxaana  loo baahan yahay si loola dagaalamo Argagixisadda in la yeesho Iskaashi Caalami, ayuu yiri Danjiraha Shiinaha uga wakiilka ah dalka Uganda.

Taggeeradda Milliteri ee ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday Milliteriga Uganda ayaa ku soo beegantay dhowr isbuuc kadib, markii Sarkaal Shiinees ah oo ilaalo ka ah Safaaradda Shiinaha ku leeyihiin magaalladda Muqdisho uu ku geeriyooday  Fal Is-qarxin oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab  bishii July 26-da ee la soo dhaafay la beegsadeen Hotelka Jazeera ee magaalladda Muqdisho.

Dhinaca kale, in ka badan 8,000 oo ciiddan ka socda Uganda ayaa ku sugan Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

© Radio Dalsan
DEEQ MILLITERI DEEQ UPDF

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts