HomeWararDowladda Federalka oo loogu baaqay inay Dhallinyarada loo abuuro shaqaooyinka, si loogu...

Dowladda Federalka oo loogu baaqay inay Dhallinyarada loo abuuro shaqaooyinka, si loogu guuleysto Dib-u-curashadda Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Maaman Sidikou ayaa  hadalkaasi ku soo beegay Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Caalamka oo maanta loo dabaal-degayo. Maaman Sidikou waxa uu ku booriyey Dhallinyarada  Soomaalida inay noqdaan kuwo u dhiifoon baahida iyo danaha dalkooda hooyo, loona  baahan yahay in la maqlo codkooda si […]

- Advertisement -

Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Maaman Sidikou ayaa  hadalkaasi ku soo beegay Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Caalamka oo maanta loo dabaal-degayo.

Maaman Sidikou waxa uu ku booriyey Dhallinyarada  Soomaalida inay noqdaan kuwo u dhiifoon baahida iyo danaha dalkooda hooyo, loona  baahan yahay in la maqlo codkooda si loo xaqiijiyo dadaalka loogu jiro soo-celinta Nabadda  iyo Deganaanshaha Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray in ay Dhallinyarada taageero ka geystaan Xaqiijinta Hiigsiga Cusub ee Somalia ee sannadka soo socda.

Maman Sidikou waxa uu kula dardaaramay Dhallinyarada inay ka feejignaadaan qorshe kasta oo  Dhaqdhaqaaqa Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay, isla markaana ay xooggooda iyo maskaxdooda ugu adeegaan sidii Somalia looga dhigi lahaa meel wanaagsan oo lagu noolan karo.

Dhinaca kale, Wakiilka Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM, Maaman Sidikou waxa uu ka codsaday Dowladda Federalka inay dejiyaan qorshe Dhallinyarada loogu abuurayo shaqooyin iyo inay kaalin ka qaataan Horumarinta dalka Somalia.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Dadka Soomaalida oo tiradooda guud lagu qiyaaso 12 million oo qof waxay 80% yihiin Dhallinyarro.

© Radio Dalsan

Latest stories