HomeWararDowladda Australia oo mar kale Xarakadda Alshabaab ku dartay Liiska Kooxaha ay...

Dowladda Australia oo mar kale Xarakadda Alshabaab ku dartay Liiska Kooxaha ay Reer Galbeedka ugu yeeraan Argagixisadda

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federalka Australia. George Brandis ayaa soo saaray Qoraal uu ku sheegay inay Kooxo Islaamiyiin hubeysan mar kale ku dareen Liiska Kooxaha loogu yeero Argagixisadda. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Australia, waxa uu sheegay inay Liiskaasi ku sii nagana doonaan shan kooxo Islaamiyiin hubeysan ah, kuwaasi oo uu ku sheegay inay khatar toos ah […]

- Advertisement -

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federalka Australia. George Brandis ayaa soo saaray Qoraal uu ku sheegay inay Kooxo Islaamiyiin hubeysan mar kale ku dareen Liiska Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Australia, waxa uu sheegay inay Liiskaasi ku sii nagana doonaan shan kooxo Islaamiyiin hubeysan ah, kuwaasi oo uu ku sheegay inay khatar toos ah iyo mid dadban ku hayaan amamanka Australia.

- Advertisement -

Shabakadda Wararka ee 9news.co.au ayaa ka soo xigatay Mas’uulkaasi magacyadda Kooxaha Islaamiyiinta ee ay mar kale ku qoreen Liiska ay dalalka Reer Galbeedka ku qoraan waxa ay ugu yeeraan Kooxaha Argagixisadda.

Kooxahaasi oo tiradoodu dhan tahay shan koox, ayaa lagu kala sheegay Xarakadda Alshabaab Somalia, Jabhadda PKK ee la dagaalanta Dowladda Turkiga,  Kooxda Lashkar-e-Tayiba ee ka hawlgasha inta badan dalka Pakistan iyo Garabyadda hubeysan ee Guutadda All-qasaam iyo Islamic Jihaad ee ka hawlgala Dhulalka Falastiin.

Dhinaca kale, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dowladda Federalka Australia. George Brandis waxa uu ku micneeyey inay Kooxahaasi mar kale ku daraan Liiska Madow ayaa sheegay inay yihiin Kooxo weli sii wada, qorsheeya, taageera, kordhiya, una dooda waxa uu ugu yeeray Falalka Argagixisadda, waa sida uu hadlak u dhigay.

- Advertisement -

 

Latest stories