HomeWararCiiddanka Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda oo dhoolatus ka sameeyey Xeebaha Somalia

Ciiddanka Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda oo dhoolatus ka sameeyey Xeebaha Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Taliska Ciiddanka Isku-dhafka ee Combined Task Force ee CTF 151  iyo Ciiddamo Caalami ah ayaa waxay Dhoolatus Milliteri oo socday muddo 7 maalmood ka sameeyeen Badda Somalia. Taliyaha Ciiddanka Isku-dhafka ee CTF 151, Adniral Hiroshi oo u dhashay dalka Japan ayaa sheegay inuu Dhoolatusku muujinayo in laga shaqeeyey ammaanka Badda Geeska Afrika, wuxuuse hoosta ka […]

- Advertisement -

Taliska Ciiddanka Isku-dhafka ee Combined Task Force ee CTF 151  iyo Ciiddamo Caalami ah ayaa waxay Dhoolatus Milliteri oo socday muddo 7 maalmood ka sameeyeen Badda Somalia.

Taliyaha Ciiddanka Isku-dhafka ee CTF 151, Adniral Hiroshi oo u dhashay dalka Japan ayaa sheegay inuu Dhoolatusku muujinayo in laga shaqeeyey ammaanka Badda Geeska Afrika, wuxuuse hoosta ka xariiqay inay weli jirto cabsida dhinaca Burcad-baddeeda.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in Hawlgalkaasi looga dan lahaa sidii loo dhiiri-gelin lahaa Mujtamaca Baddaha iyo inay ka wada shaqeeyaan Taageeridda Sharciga ee dhinaca Ganacsiga iyo in si xor ah loo isticmaalo, loogana kalluumeysto Badda Somalia.

Dhoolatuskaasi waxaa ka qeybgalay Maraakiib iyo Diyaarado Dagaal oo ka kala socday dalalka Pakistan, Spain, Maraykanka, Japan iyo Koonfurta Kuurya, kuwaasi oo dhoolatuska ka sameeyey  Xeebaha Somalia, Gacanka Cadmeed iyo Gacanka dalka Cummaan.

Dhinaca kale, Dhoolatuskaasi waxaa taageero toos ah siinayey Xarumaha Dhexe ee ay Japan hoggaamiyaan, oo ay ku jiraan dalalka Australuia, Netherlands, New Zealand, Thailand, Turkey, Maraykanka iyo Britain iyo Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee  EU NAVFOR.

- Advertisement -

 Xigasho: EU NAVFOR

Latest stories