HomeWararShisheeye lagu tuhunsan yahay inay weerari lahaayeen Saldhig Maraykanka ku leeyihiin oo...

Shisheeye lagu tuhunsan yahay inay weerari lahaayeen Saldhig Maraykanka ku leeyihiin oo la xiray

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dowladda Maldives ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen Eedeysanayaal shisheeye ah oo ku sii jeeday Saldhig Maraykanka ku leeyihiin Jesiiradda Diego Garcia ee Badweynta Hidniya. Mohamed Shariif oo ah Wasiir ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Maldives ayaa sheegay in Eedeysanayaasha si sharci-darro ah ku soo galeen Maldives, isla markaana ay wateen dooni ku sii jeeday Saldhiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Maldives ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen Eedeysanayaal shisheeye ah oo ku sii jeeday Saldhig Maraykanka ku leeyihiin Jesiiradda Diego Garcia ee Badweynta Hidniya.

Mohamed Shariif oo ah Wasiir ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Maldives ayaa sheegay in Eedeysanayaasha si sharci-darro ah ku soo galeen Maldives, isla markaana ay wateen dooni ku sii jeeday Saldhiga Maraykanka ee Jesiiradda Diego Garcia oo ku taalla Bartamaha Badweynta Hindiya.

- Advertisement -

Wasiirka waxa uu shegay inay ilaalo ku hayeen 7 qof oo shisheeye ah, kuwaasi oo shalay (Isniin) kireystay dooni rayid leeyahay meel ka baxsan Jesiirasdda Addu, kuna sii jeeday Saldhigga Maraykanka oo dhowr boqol oo KM u jirta Maldives.

Shisheeyaha la xiray waxay doonida ku kireysteen maalintiiba lacag dhan 8,000 oo Dollar.

Waxa uu intaasi ku daray inay Shisheeyaha baadi-goobayeen Kabtan ay siiyaan Kharaj sare, si uu  iyaga ugu  kaxeeya Jesiiradda Diego Garcia oo ku-dhawaad 700 KM u jirta Jesiiradda Addu.

- Advertisement -

Wasiirka wax faahfaahin ah kama bixinin dalalka ay u kala dhasheen Eedeysanayaasha la qabtay.

Wargeyska Haveeru ee ka soo baxa caasimadda Jesiiradda Maldives ee Male ayaa sheegay inay Eedeysanayaasha u kala dhasheen Talyaaniga iyo Jarmalka.

Jesiiradda Diego Garcia oo hoos tagta Maamulka dalka Britain, waxay ku taalla Badweynta Hindiya, jiho ahaan ka tirsan Qaaradda Asia, waxayna Milliteriga Maraykanka u adeegsadaan inay ka kacaan diyaaradaha hawlgalladda duqeymaha ka fuliya dalalka Afganistan iyo Iraq.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts