HomeWararMuwaadin Eritrean oo dad ku dooxay dbartamaha dalka Sweden

Muwaadin Eritrean oo dad ku dooxay dbartamaha dalka Sweden

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Boliska dalka Sweden ayaa shaaciyey inay gacanta ku dhigeen Nin u dhashay dalka Eritrea oo lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey weerar shalay ka dhacay Bakhaar ku yaalla Degmadda  Västerås oo ku taalla Bartamaha Sweden, isla markaana ay dhanka W/galbeed kaga toosan Caasimadda dalka Sweden ee Stocholm.

Taliyaha Boliska Västerås, Per Ågren oo Shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay qabteen labo qof oo ka dambeeyey qalalaasaha ka dhacay Bakhaarka Ikea Store.

Waxa uu sheegay in mid ka mid ah Eedeysanayaasha sheegtay inuu yahay Magangalyo-doon Eritrean ah.

Taliyaha waxa kaloo uu tilmaamay in Eedeysane kale oo ku lug lahaa dhacdadaasi isagoo dhaawac ah la dhigay Isbitaalka.

Ma kala cadda inuu Eedeysanaha dhaawacan uu yahay Eritrean iyo in kale.

Labada Eedeysane ayaa la sheegay inay shalay (Isniin) tooreey ku dileen Hooyo  55 jir ahayd iyo wiilkeeda oo 28-jir ah.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka Dacwad-baaraha Guud, Eva Moren ayaa u sheegtay Warbaahinta Swedishka inuusan falkaasi ku lug lahayn siyaasad ama arrin shaqsiyadeed, waxayna xustay inuusan jirin wax xiriir oo ka dhexeeya Eedeysanaha iyo Dhibanayaasha la dilay.

Garyaqaanadda Eedeysanaha la qabtay, Maria Wilhelmsson ayaa u sheegtay Wakaalladda Wararka ee TT News Agency inuusan Eedeysanaha wax dembi ah gelin.

Waxay intaasi raacisay in Eedeysanaha oo 23-jir uu si fudud qalad ugu galay goob qaldan iyo waqti qaldan.

Afhayeenadda Shirkadda Ikea, Daniela Rogosic ayaa maanta sheegtay inuu sii xirnaan doono Bakhaarka dadka lagu dilay ilaa amar dambe.

Iyadoo la hadlaysay Wargeyska The Local waxay sheegtay inay ku-dhawaad 300 oo shaqaale ah ka hawlgalaan Bakhaarka dadka lagu dilay,  balse ay xaqiijin Karin tirade shaqaale ee ku sugnaa gudaha Bakhaarka, xilliga Tooreyda lagu dilay Dukaan-gadayaasha.

Shirkadda IKEA waxay can ku tahay oo ay farsameeyaan, isla markaana iibiyaan Qalabka Guryaha, Jikooyinka Korantadda iyo wixii soo raaca.

Muuqaal yar oo Video ah oo la soo dhigay Websaytka VLT ayaa waxaa ka muuqday Nin Bolis ah oo mid ka mid ah Eedeysanayaasha ku qabtay  bar ay Basaska joogsadaan oo ku taalla duleedka Bakhaarka IKEA.

Muquaalka waxaa kaloo laga arki karaa Boliska oo Eedeysanaha dhulka ku jiidaya, inkastoop aan si waadix ah lo oarki Karin Wejiga Eedeysanaha.

SWEDEN 1 sweden 2 sweden 3

WQ: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories