HomeWararDowladaha Kenya iyo Uganda oo shaaciyey inay mideeyeen Hawlgalka ka dhanka ah...

Dowladaha Kenya iyo Uganda oo shaaciyey inay mideeyeen Hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Xag-jirnimadda

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

War Murtiyeed laga soo saaray Shirar ay Uhuru Kenyatta iyo Yoweeri Musuevni ku yeesheen caasimadda dalka Uganda ee Kampala ayaa waxay ku sheegeen inay mideynayaan Hawlgalladda ka dhanka Xarakadda Alshabaab iyo Falalka Xag-jirnimadda.

Labada Hoggaamiye waxay mar kale xaqiiniyaan dadaalkooda ku aadan inay si wadajir ah ugala shaqeeyaan Dowladdha iyo Saaxiibadda kale si Xal siyaasadeed loogu heli lahaa colaadaha ka aloosan dalalka Somalia, South Sudan iyo Burundi.

Waxay kaloo walaac xooggan ka muujiyeen caqabadaha Xag-jirnimadda iyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ee wax u dhimayo dalalka Bariga Afrika.

War-murtiyeedka waxaa kaloo lagu xusay inay iska kaashan doonaan Horumarinta Ganacsiga, Ammaanka iyo inay dadka iyo badeecadaha si xor ah isaga kala gudbaan dalalka Bariga Afrika.

Dhinaca kale, Labada Madaxweyne waxay isku raaceen Mashruuc dhuun shidaal ka soo qaadayso Dekedda Laamu ee Badweynta Hindiya oo gaarsiin doonto dalka Uganda.

Mashruucaasi oo uu Madaxweynaha Kenya sheegay in lagu dhamaystiri doono muddo shan sanno ah, waxaana dhuuntaasi la sii marsiin doonaa Gobalka W/BARI EE AY Soomaalida ka deggaan Kenya.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories