HomeWararMuhaajiriinta Soomaalida iyo kuwa kale oo la ogaaday inay Fiisaha Online-ka ee...

Muhaajiriinta Soomaalida iyo kuwa kale oo la ogaaday inay Fiisaha Online-ka ee Turkiga u sahlayso Tegitaanka Europe

Date:

Related stories

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

FBI oo $150,000 ku bixinaysa Fahad Nur oo Soomaaliya ku sugan

FBI oo $150,000 ku bixinaysa macluumaad horseeda qabashada Fahad Maxamed Nur oo ka baxsaday 2022, laguna eedeeyay inuu $5 milyan ka dhacay barnaamijka quudinta carruurta xilligii COVID-19.

IGAD Mobilises Stakeholders to Advance the Free Movement of Persons Protocol

The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has intensified efforts...

Soomaaliya oo bilaababday mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada

Soomaaliya oo bilaabay mashruuc $12 milyan oo lagu xoojinayo adkeysiga cimilada – ma waxay ka caawin doontaa magaalooyinka?

Somalia Pushes for Visa-Free Horn of Africa

Mogadishu hosts a three-day IGAD meeting on easing cross-border movement, as officials push forward a regional integration plan first launched in 2017.

Wargeyska The Daily Telegraph ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray in qaabka fiiso-bixinta Turkiga ee Turkish online visas uu Muhaajiriin badan u fududeynayo inay muddo kooban ku galaan Waddamadda hodanka ee Qaaradda Europe. Khubaradda Socdaalka ee Qaaradda Europe ayaa rumeysan in siyaasadda bixinta Fiisaha ee aan xilka la iska saarin u oggolaanayso […]

- Advertisement -

Wargeyska The Daily Telegraph ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray in qaabka fiiso-bixinta Turkiga ee Turkish online visas uu Muhaajiriin badan u fududeynayo inay muddo kooban ku galaan Waddamadda hodanka ee Qaaradda Europe. Khubaradda Socdaalka ee Qaaradda Europe ayaa rumeysan in siyaasadda bixinta Fiisaha ee aan xilka la iska saarin u oggolaanayso inay tiro aad u badan oo Muhaajiriin Afrikaan u adeegsadaan dalka Turkiga inay kaga sii tallaabaan Europe.

Saraakiisha Xuduudaha ee Qaaradda Europe waxay sheegeen in Muwaadiniinta ka yimaada dalalka Afrika iyo Bariga Dhexe awoodaan inay si toos ah ugu soo duulaan gudaha Turkiga, iyago ou baahan o okeliya in Dukumentiyadooda la baaro, ka hor intaysan safar kooban ku gaarin dalka Giriigga.

- Advertisement -

Wargeyska The Daily Telegraph waxay ka soo xigteen Khubarada Socdaalka inay ilaa 10,000 oo Muhaajiriin ah ku sugan yihiin magaalladda ugu weyn dalka Turkiga ee Istanbuul, kuwaasi oo albaabka labaad ee ay ku wajahan yihiin tahay dalalka Giriigga ama Bulgaria oo dhowr saacadood lagu gaari karo.

Dhinaca kale, Wargeyska waxa uu sii qoray inay Muwaadiniinta ka soo kala jeeda dalalka Somalia, Sudan, Eritrea iyo Afganistan si fudu ku heli karaan Visaha Online-ka ee loo yaqaan e-visas, taasi oo ay shuruudeedu tahay oo keliya in la buuxiyo qoraalka (A form) iyo Kharajka Adeegaasi lagu bixiyo siOnline ah (A fee to be paid Online).

 

Latest stories