HomeWararMadaxweynaha: “Waan soo dhoweynayaa sida hufan ee ay u socdaan hawlgallada cusub...

Madaxweynaha: “Waan soo dhoweynayaa sida hufan ee ay u socdaan hawlgallada cusub ee Al Shabaab dalka looga sifeynayo’’

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay qaabka wanaagsan ee ay u socdaan hawlgallada milateri ee dalka looga sifeynayo kooxaha nabadda ka soo horjeeda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyagoo xaalad adag ku jira ay si wanaagsan isku garabsanayaan ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM, isla markaana ay guulo la taaban karo ka soo hoyeen gobollada Bay, Bakool, Gedo, Galguduud iyo Hiiraan.

“Aad baan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee hawlgalkan ka qeyb qaadanayaa. Hawlgalkan cusub waa mid loogu talagaley in muddo aad u yar Al Shabaab dalka oo dhan looga sifeeyo. Ciidammadan waxay naftooda u hurayaan inay nabadda iyo noloshii caadiga ahayd dib u soo celiyaan, iyagoo isku furaya degaanno horey u adkaa in la tago ama adeegyo loo fidiyo’’.

Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in ciidammada Ethiopia ee hawlgalkan ka qeyb qaadanaya ay dadaal dheeri ah muujiyeen, iyagoo adeegsanayo awood dheeri ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tacsi u direy qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen geesiyadii ku naf waayey hawlgalka iyo sidoo kale dadka shacabka ah ee waxyeelada ay ka soo gaartey hawlgallada socda.

“Waxaan mar walba ku adkeynayaa ciidammadeena iyo kuwa taageeraya ee AMISOM inay si taxaddar leh u xaqiijiyaan nabadqabka iyo badbaadinta dadka rayidka ah, amarkaasina waa midka ay ku shaqeynayaan. Waxaa naga go’an in nidaamka iyo kala dambeynta lagu fuliyo hawlgallada socda, shacabkuna ay sii kordhiyaan taageerada ay siinayaan ciidammadan naftooda u huraya badbaadinta iyo nabad ku soo celinta waddanka’’.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn mar kale hambalyo u direy Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo waddamada ciidammada iyo dhaqaalahaba ku deeqay hawlgalkan dalka looga sifeynayo cadowga, kaas oo uu Madaxweynuhu sheegay inuu horseedi doono degganaansho buuxda oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories