HomeWararHay’adda Calaamiga ee Global Witness oo ka digtay khatarta Heshiiska Soma...

Hay’adda Calaamiga ee Global Witness oo ka digtay khatarta Heshiiska Soma Oil and Gas

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda la xiriira Musuqa  hareeyey Heshiiskii Shidaal-baarista ee dhex maray Shirkadda Somaa Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain iyo WasaaraddaBatroolka iyo Macdanta ee Somalia ayaa waxaa soo baxayo digniino ku adaan inuu Heshiiskaasi khatar u keeni karo Ummadda Soomaaliyeed.

Hay’adda Caalamiga ee Global Witness  ee u xil-saaran baaritannadda Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha iyo U-ololeynta ka-hortagga Musuqa iyo Colaadaha ka dhasha Kheyraadka Dabiiciga ayaa ku tilmaamtay Heshiiska lala galay Soma Oil and Gas inuu yahay Heshiis dhib u leh Ummadda Soomaaliyeed.

Barnaby Pace oo ka tirsan Hay’adda Global Witness  ee uu Fadhigeeda dhexe ku yaallacaasimadda dalka Britain ee London ayaa sheegay inay rumeysan yahay  inay Siyaasiyiin iyo La-taliyayaal si sharci-darrouga macaashayaan Kharajka ka soo xerooda Hantida Dalka Somalia ee la iibinayo.

Sarkaalkaasi waxa uu tilmaamay in si qaldan looga faa’ideysanayo iibinta Qanadaraaskaasi ee lagu bedelanayo Kharajka, isla markaana shaki weyn laga qabi karo Heshiiska Britan iyo daalalka kale la galayaan Dowladda Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray in Kharajka iyo farsamada musuqa looga dan leeyahay si lagu badbaadiyo Danaha Shidaalka ee labada dhinac, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu Heshiiskaasi Ummadda Soomaaliyeed ka dhex abuuri karo Dagaal dhinaca Shidaalka.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, iyadoo ay Guddiga Kormeerka QM ee Cunaqabataynta saaran Soamlai iyo Eritrea soo bandhigeen Warbixin farta ku godaysa Heshiiska Soma Oil and Gas iyo Wasaaradda Batroolka ee Somalia kala saxiixdeen bishii August ee sannadkii 2013-kii.

Dowladda Federalka Somalia waxay sheegtay inay gaacan ka geysan doonaan Baaritaanka Fadeexadaasi, iyadoo Xafiiska La-dagaalanka Musuqa ee dalka Britain ee SFO guda-galay baaritaanka arrinkaasi.

Heshiiskaasi waxaa dhedxdhexaadin ka gashay Hay’adda  La-talinta ee FTI  Counsulting oo Xarunteeda dhexe ku taallo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington.

Hay’adda FTI  Counsulting ayaa ah Shirkaddii sannadkii 2013-kii la saxiixatay Dowladda Federalka Heshiiska Xayiraadda looga qaado Hantida Somalia ee ku xayiran Bangiyadda Caalamka,waxaana walaaca Heshiiskaasi darted isku casilay Guddoomiyihii hore ee Bangiga Dhexe ee Somalia, Yusur Abraar oo iyada ka biyo diida Oggolaanshaha  saxiixa Heshiiskaasi.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories