HomeWararDowladda Indonesia oo ka hadashay Badmaaxiin ka badbaaday dooni ku degtay Xeebaha...

Dowladda Indonesia oo ka hadashay Badmaaxiin ka badbaaday dooni ku degtay Xeebaha Somalia

Date:

Related stories

The Economist oo Daaha Ka Rogtay Isbeddelka Amniga Caasimadda Soomaaliya

Warbixin cusub oo The Economist soo saartay ayaa tilmaamaysa hoos u dhac weyn oo ku yimid weerarrada Al-Shabaab ee Muqdisho, iyadoo weerarradii la diiwaangeliyay ay hoos uga dhaceen 144 ilaa 5.

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Indonesia ayaa maanta xaqiijisay in 12 Badmaax oo Indoneisan ah ka mid yihiin 32-kii shaqaalaha ee la socotay Doonidii Kalluumeysaiga ee dhawaan ku soo caarisay Xeebta Degmadda Eyl ee W/bari Somalia. War-saxaafadeed uu  Agaasimaha Waaxda Badbaadada ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Indoneisa, Lalu Muhamed Iqbaal maanta soo saaray  ayuu ku […]

- Advertisement -

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Indonesia ayaa maanta xaqiijisay in 12 Badmaax oo Indoneisan ah ka mid yihiin 32-kii shaqaalaha ee la socotay Doonidii Kalluumeysaiga ee dhawaan ku soo caarisay Xeebta Degmadda Eyl ee W/bari Somalia.

War-saxaafadeed uu  Agaasimaha Waaxda Badbaadada ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Indoneisa, Lalu Muhamed Iqbaal maanta soo saaray  ayuu ku sheegay in 12 Badmaaxxiin Indonesian ah la badbaadiyey, kadib, markii ay bilowgii bishan la degtay Dooni Kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Koonfurta Kuurya.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay inay  Safaaradda Indonesia ee magaalladda Nairobi  xiriir la sameeyeen 12 Badmaax ee u dhashay dalka Indonesia, kuwaasi oo haatan ku sugan Hotel ku yaalla Puntland, wuxuuna xusay in laga shaqeynayo sidii loogu soo duulin lahaa magaalladda Nairobi ama ay toos ugu soo ambabixi lahaayeen dalkooda hooyo.

Dhinaca kale,  Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Indonesia, Retno Marsudi ayaa amartay Koox taageero ka geysata sidii loo caawin lahaa Badmaaxiinta.

Latest stories