HomeWararMuhaajiriin Somali oo dabaal kaga gudbay Webiga Red River ee dalka...

Muhaajiriin Somali oo dabaal kaga gudbay Webiga Red River ee dalka Kanada oo codsaday magangelyo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Safar-webiyeed mar la-arag ah oo ay dadka Reer Kanada la anfariiraan ayaa waxaa ku soo badbaaday Wiil Somali oo lagu magacaabo Yahye Samantar, kaasi oo Kanada ka galay dhinaca Webiga. Yahya Samatar oo Wareysi siiyey Wargeyska The Winnipeg Free Press ayaa sheegay inay isaga iyo saaxiibkiisa go’aansadeen inay Tahriib-webiyeed ku galaan xuduudka Kanada, wuxuuna xusay inuu Toddobaaadkii […]

- Advertisement -

Safar-webiyeed mar la-arag ah oo ay dadka Reer Kanada la anfariiraan ayaa waxaa ku soo badbaaday Wiil Somali oo lagu magacaabo Yahye Samantar, kaasi oo Kanada ka galay dhinaca Webiga.

Yahya Samatar oo Wareysi siiyey Wargeyska The Winnipeg Free Press ayaa sheegay inay isaga iyo saaxiibkiisa go’aansadeen inay Tahriib-webiyeed ku galaan xuduudka Kanada, wuxuuna xusay inuu Toddobaaadkii hore u ahaa mid aad ugu adag.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inuu  tuhunsanaa inuu saaaxiibkiisa ku haftay Webiga Casaanka ‘The Red River’ ee kaabiga ku haya maagalladda Emerson ee xuduudka Koonfureed ee dalka Kanada, balse uu Jimcihii dambe arkay, xilli uu ku sii jeeday magaalladda Toronto, si uu u dalbado Magangalyo.

Yahye Samantar oo 32-jir ah ayaa sheegay inay soo baadbaadiyeen nin Kanadiyaan oo gaari watay, kuna sugnaa Jiinka  Webiga oo ay biyihiisu noqdeen baraf.

Waxa uu sheegay inuu taageero ka helay oo uu Labis iyo cunto siiyey iyo meel la isku kululeeyo, kadibna uu arkay Iftiinka nalalka Dekedda magaalladda Emerson.

- Advertisement -

Yahye Samantar waxa uu intaasi ku daray in ninkii wacay Telefoonka 911, isla markaana ay degdeg ugu yimaadeen Boliska iyoKooxaha Gurmadka Caafimaadka.

Boliska intay jeebad gacmahakaga dhufteen oo ay busto huwiyeen ayey geeyeen Hay’adda Xuduudaha Kanada (The Canada Border Services Agency).

Mar wax laga weydiiyey qaabka uu ku bartay dabaasha, waxa uu sheegay inuu ku bartay Xeebta magaalladda Kismaayo ee Koonfurta Somalia, balse, waxa uu khatar ku tilmaamay in lagu daabaasho Webi wada baraf ah.

Yaxye Samantar waxa uu sheegay inuu cabsi darted uga soo cararay Somalia, isla markaana ay qoyskiisa siiyeen Mukhalas lacag dhan 12,000 oo Dollar si ay isaga ugu tahriibiyaan Latin Amerika.

Waxa uu sheegay inuu tegay Ethiopia, kadibna u ambabaxay Brazil, ka hor inta uusan lug ku gaarin Xuduudka Meksiko iyo Maraykankaa.

Samantar Yaxye ayaa sheegay inay muddo lix bilood ku qaadatay Tahriibkiisa, wuxuuna haatan ku sugan yahay magaalladda Toronto ee dalka Kanada, isagoo dhawaan buuxin doona Faylka codsiga Qaxootinimadda.

Xigasho:- The Winnipeg Free Press

Latest stories