HomeWararMaxkamad ku taalla Mombasa oo xukun ku riday Burcad-baddeed Somali

Maxkamad ku taalla Mombasa oo xukun ku riday Burcad-baddeed Somali

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Maxkamadda Mombasa waxay afar Burcad-baddeed Soomaali ah ku xukuntay xabsi muddo 42-bilood, kadib, markii lagu soo oogay inay afduubteen dooni Kalluumeysi. Burcad-baddeedaasi ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay  Hassan Aden, Ali Abdi Fita, Abdi Liban iyo Dahir Afran, waxaana lagu eedeeyey inay weerareen , isla markaana ay bishii Janaayo 6-dii ilaa 7-dii ee sannadkii 2012-kii […]

- Advertisement -

Maxkamadda Mombasa waxay afar Burcad-baddeed Soomaali ah ku xukuntay xabsi muddo 42-bilood, kadib, markii lagu soo oogay inay afduubteen dooni Kalluumeysi.

Burcad-baddeedaasi ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay  Hassan Aden, Ali Abdi Fita, Abdi Liban iyo Dahir Afran, waxaana lagu eedeeyey inay weerareen , isla markaana ay bishii Janaayo 6-dii ilaa 7-dii ee sannadkii 2012-kii qafaasheen Dooni Kalluumeysi oo lagu magacaabo Daahiri oo maraysay Badweynte Hindiya.

- Advertisement -

Garsooradda Sare ee Maxkaamadda Mombasa, Joyce Gandani ayaa sheegtay inay Burcad-baddeeda u adeegsadeen qori AK  47 iyo Bam-gacmeed si u afduubtaan Doonidaasi, isla markaana ay doonayeen inay u adeegsadaan Markab ay wax ku afduubtaan.

Kaaliyaha Agaaismaha Dawad-oogaha Dowladda, Catherine Mwaniki ayaa ka codsatay Maxkamadda in Afarta Burcad-baddeeda lagu xukumay xabsi daain.

Waxay kaloo ku gacan sayrtayin Burcad-baddeeda xabsigooda ku dhamaystaan gudaha Somalia, iyadoo sheegtay inaysan Dowladaha Kenya iyo Somalia lahayn Heshiis ay isku weydaarsadaan Maxaabiista.

- Advertisement -

Dhinaca kale,  Garsooradda Sare ee Maxkaamadda Mombasa, Joyce Gandani ayaa Burcad-baddeeda ku xukuntay min 42 bilood oo Xabsi ah.

Afarta Burcad-baddeed ee la sheegay inay yihiin kuwii ugu dambeeyey ee ay  Ciiddanka Badda ee Caalamka soo qabteen, laguna xukumo Kenya tan iyo sannadkii 2006-dii.

© Radio Dalsan

Latest stories