HomeWararXafiis Mukhalas u ah Ma-gefaha dadka ku afduubta Libya oo laga furay...

Xafiis Mukhalas u ah Ma-gefaha dadka ku afduubta Libya oo laga furay Muqdisho

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Dhacdo Ugub ayey noqotay wararka sheegayo in Xafiis la shaqeeya Ninka Liibiyaanka ee lagu naanayso Ma-gafe ee  afduubka, jirdilka iyo lacag madax-furashadda ka qaata Tahriibayaasha Soomaaalida ee  ku sugan  Libya  lsga furay magaalladda Muqdisho.

Radio Dalsan oo dabagal dheer ku sameeyey Xafiiskaasi ayaa waxaa loo caddeeyey inay mukhalasiinta la shaqeysa Ma-gefe ay Tahriibayaasha ka qaadaan qofkiiba lacag dhan 5,100 Dollar, si ay uga nabad galaan Afduubka Me-gefe.

Ismail  Abdikarim Osman oo ka mid ah Tahriibayaasha haatan u ambabaxayo Libya ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey inuu bixiyey lacag dhan 5,100 Dollar, isla markaana ay Mukhalasiinta Xafiiska la shaqeeya Ma-gefe ballan-qaadeen inuusan dhibaateyn doonin marka uu gaaro xuduudka Libya.

Sidoo kale,  Osman Mayow Farah oo isagana ay Mukhalasiinta  u kaxayn doonaan Libyaa ayaa qiray inuu bixiyo kumanaan Dollar, si uu uga nabad galo Afduubka ma-gafaha Liibiya.

Hooyo Soomaaliyeed oo codsatay inaan Warbaahinta magaceeda loo adeegsanin ayaa Radio Dalsan u sheegtay in ay Wiil dhashay u ambabixiyeen Xafiiska Wakiilka u ah Ma-gefe.

Waxay intaasi ku dartay inuu Rabbi u saqiray wiilkeeda safarka, isla markaana uu haatan ku sugan caasimadda dalka Britain ee London.

Si kastaba ha ahaatee, Xafiisyadda Mukhalasiinta u ah Ma-gefe ayaa la sheegay inay ku kala yaallaan agagaarka  Tree Biyaaano, Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad.

Waxaana beryahan sii kordhayo Tahriibayaasha u safrayo Libya, kadib, markii ay Xafiisyadda wakiilka u ah Ma-gefe u ballan-qaadee n inuusan Ninkaasi afduubaan doonin.

Xafiisyadda Ma-gefe ee Muqdisho waxaa la sheegay inay xiriirleeyihiin Mukhalasiin Suudaani ah oo wakiil guud u ah Ma-gefe, kuwaasi oo u gudbiya magacyadda dada Tahriibayaasha ee Lacagaha Safarka iyo tan Madax-furashadda looga qaadayo magaalladda Muqdishu.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories