HomeWararDowladda Soomaaliya Oo Cambaareesay Weerarkii Ka Dhacay Dalka Sacuudiga

Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareesay Weerarkii Ka Dhacay Dalka Sacuudiga

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareyneysaa falalka argagaxiso ee ka dhanka ah Dowladda iyo Shacabka walaalaha ah ee Boqortooyada Saudi Arabia ee shalay dhacay .

Argagaxisadu waxa ay muujiyeen inay ka soo horjeedaan waxa ay diinta islaamka ay fareyso , iyagoo qarax ku weeraray dad rayid ah iyo ciidamo ku sugnaa Magaalada Abha ee xarunta gobolka Asir .

Xukuumadda iyo Shacabka Boqortooyada Saudi Arabia , waa walaalaha iyo saaxiibada dhabta ah ee Shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya , run ahaantii waxaan dareemeynaa xanuunka iyo khasaaraha gaaray , waxa aanu si xoog badan u taageereynaa dadaalada adag ee Dowladda Boqortooyada Saudi Arabia ay kaga hortageyso argagaxisada kuwa gudaha iyo dibadda intaba .

Argagaxisadu waa muuqaal soo ban-baxay oo caalami ah , ujeedkiisuna yahay burburinta dhabaheena nabadda ee nolosha , wuxuu abuuraa fatqalalo halis ku ah fahamka saxda ah ee diinteena quruxda ah ee Islaamka oo tilmaameysa nabadda , xushmadda iyo midnimada dadka dhexdooda , iyadoo aan la eegeyn kala aragti duwanaanshaha.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku howlan tahay si aan hakad laheyn inay u jiirto baraha ugu dambeeya ee argagaxisada ku leedahay gudaha dalka , waxaanu xoojineynaa iskaashigeena ammaan aanu la leenahay Boqortooyada Saudi Arabia si loo baabi’iyo shar-sidaha ka jira dhulalkeena .

Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay u rajeynayaan Xukuumadda iyo Shacabka walaalaha ah ee Boqortooyada Saudi Arabia guul joogta ah iyo barwaaqo .

Allah Subhanahu Wa Ta’ala Ha inaga dhowro dhammaanteena Shar-sidayaasha argagagaxisada .

Dhammaad .

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories