HomeWararIn ka badan boqol Qaxooti Somali ku sugnaa Xeryaha Kenya oo shaly...

In ka badan boqol Qaxooti Somali ku sugnaa Xeryaha Kenya oo shaly dib u soo laabtay

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay 116 Qaxooti Somali oo ku sugnaa xeradda Dhadhaab ay shalay ddib ugu laabteen magaalladda Muqdisho. Hadal ka soo baxay Xafiiska UNHCR ee magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay inay Hay’addu labo diyaaradood ku soo qaadenen Qaxootigaasi oo iskooda u go’aansaday inay ku soo laabtaan dalkooda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay 116 Qaxooti Somali oo ku sugnaa xeradda Dhadhaab ay shalay ddib ugu laabteen magaalladda Muqdisho.

Hadal ka soo baxay Xafiiska UNHCR ee magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay inay Hay’addu labo diyaaradood ku soo qaadenen Qaxootigaasi oo iskooda u go’aansaday inay ku soo laabtaan dalkooda hooyo.

- Advertisement -

Hay’addu waxay sheegtay inay Tallaabadaasi bilow u tahay Wejiga cusub ee soo-celinta Qaxootiga ku sugan Xerada Dhadhaab ee go’aansaday in lagu celiyo dalkooda hooyo.

Qoraalka ayaa lagu xusay in ku-dhawaad 3,000 oo Qaxooti Somali ah ay iskooda uga soo laabteen Xeryaha Kenya laga soo bilaabo bishii December ee sannadkii hore ilaa bilowgii bishan August.

2,969 Qaxooti Somali ayaa ku soo laabtay  magaallooyinka Kismaayo, Baydhabo iyo Degmadda Luuq.

- Advertisement -

UNHCR waxay u qorsheysay in Qaxootiga soo laabanayo la dejiyey  9 magaallooyin  iyo Degmooyin ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Dhinaca kale, Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR ayaa ka wada shaaqeynayo Dib-u-soo-celinta Qaxootigaasi, waxaana qorsheysan inay si iskooda ah loo soo celiyo 425,000 oo Qaxooti Somali ah  muddo shan sanno gudaheeda.

Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab oo ah tan ugu weyn Xerooyinka Caalamka, waxaa weli ku nool ku-dhawaad 330,000 oo Qaxooti Somali ah.

Dowladda Kenya ayaa horey ugu  codsatay UNHCR  in Qaxootiga Soomaalida oo dhan laga saaro dalkeeda, kadib, markii  ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen bishii April 2-dii eesannaadkan Jaamacadda Garissa, oo lagu dilay 148qof oo u baadnaa Ardaydii Jaamacadaasi.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts