HomeWararBarlamaanka Federalka oo ay ku badan yihiin Mudanayaasha Labada Dhalasho leh (Dual...

Barlamaanka Federalka oo ay ku badan yihiin Mudanayaasha Labada Dhalasho leh (Dual Nationality)

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Khatar Qaran, Sumcad-beel, Musuq Caalami sii noqonayo iyo Walbahaaro kale oo ay Bulshadda la anfariirsan yihiin ayaa waxay maalin kasta ku soo kordhaan Waayaha Dowladnimo. Waa hubaal in ay jiraan calawsanaan Maamul iyo Isla Xisaabtan dhab ah, waxaana muuqata inuu Mas’uul kasta sida uu doono u turjumanayo Awoodiisa, Xilka uu hayo iyo Waajibaadka ka saaran […]

- Advertisement -

Khatar Qaran, Sumcad-beel, Musuq Caalami sii noqonayo iyo Walbahaaro kale oo ay Bulshadda la anfariirsan yihiin ayaa waxay maalin kasta ku soo kordhaan Waayaha Dowladnimo.

Waa hubaal in ay jiraan calawsanaan Maamul iyo Isla Xisaabtan dhab ah, waxaana muuqata inuu Mas’uul kasta sida uu doono u turjumanayo Awoodiisa, Xilka uu hayo iyo Waajibaadka ka saaran Danaha Qaranka.

- Advertisement -

Guux Siyaasadeed, Dhaliilo, Tuhun Qaran-iibsi, Qaran-dumis, Dmaaci Shaqsiyadeed ama Kooxeed ayaana laga dareemayaa Masraxa Qaranka, waa naadir in Madaxda Qaranka ee  ay Bulshadda ammaanta huwiyaan.

Marka aynu arartaasi run-sheegga ka gudubno, waxaa hubaal inay Mudanayaasha Barlamaanka Federalka ee xilligan loo idmaday xilkaasi yihiin kuwo aysan daacad ka ahayn Hawlaha Qaranka ee lagu aaminay.

Sharci-dejiyayaal iyo Sharci Dhowrayaal ayaa lagu fasiri karaa Xilka Xildhibaanadda Qaranka, waxaana Kaftan Siyaasadeed ku muujin karnaa inay Xildhibaanadda maanta yihiin Galti-siyaasadeed, illayn waxaa  lagu soo xushay Nidaamka Beeleed ee mar ay ahaataba laga tallabsan doono.

- Advertisement -

Xooraansi dheer oo dhowr bilood aynu Tooshka Saxaafadda la raacayn Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka waxay Ilo muhiim ah inoo sheegeen inay inta badan Xildhibaanaddu yihiin kuwo Dhalasho Waddan kale wata, oo aan danba ka lahayn inay difaacaan Danaha Qaranka.

Waa hubaal in Xildhibaanadda Labada Dhalasho iyo Labada Baasaboor jeebka ku wata ay u muuqdaan kuwo aysan Kulayl iyo Qabow ku haynin Qaddiyadaha Qaranka.

Miisaal ahaan Xildhibaanadda dhalashadda kale haysta haddii laga hadlayo Qoddob khuseeya dalka ay Baasaboorka ka haystaan waxay ku khasban yihiin inay calaw geliyaan Mooshinka noocaasi.

Xogaha la hayo ayaa muujinaya inay Xildhibaanadda Dhalashadaha kale haysta ay Madasha Barlamaanka ku kala qeybsan yihiin, iyadoo inta isku Baasaboorka wata ay si gooni ah u fadhiistaan Kuraas u gaar ah, iskana ilaaliyaan inay Xildhibaanadda kale ku milmaan.

La yaab kuuguma noqonayso haddii aad Xildhibaanadda Qaranka maqasho waxay Madasha Barlamaanka u fariistaan sida ay Borotokool ahaan u kala fariistaan Ergooyinka kala matalayo dalalka kale.

Waa hubaal inay  Xildhibaanadda Labada Baasaboor isku wadata ay ku hamiyaan inay Calanka dalalka ay Muwaadinimadda ka haystaan hor suran lahaayeen Fadhiyadda Madasha Barlamaanka, balse, kuma dhiiran karaan, maadaama uu Sharciga Qarankeenna oggolayn Hab-dhaqankaasi Shisheeyenimo.

Markaynu u soo laabano Dhaqan-toosinta Xildhibaanadda Qaranka, waxaa la gudboon inay feejignaan muujiyaan, isla markaana ay Awoodda Sharcigu siiyey ku fuliyaan qalad kasta oo ay u arkaan inuu Danaha Qaranka wax u dhimayo.

Mana aha inay Xildhibaanadda soo baraarugaan, marka ay Saxaafadda qalad kashifaan, sida Dhacdada Shirkadda Soma Oil and Gas oo haatan Fadeexadeedu bilowga tahay.

Waxaa kaloo Xildhibaanadda ku habboon inay ka garaadsadaan Mashruuca Mooshinka Dufanaysan, illayn waxaa badatay Hadal-haynta Cod Lacag-ku-bedelasho, oo haddaan si kale u dhigno lagu soo koobi karo Fadlan Xildhibaan Lacago ku-shubo.

WQ. Hassan Ali Osman “Istiila”

Latest stories