HomeWararDuqeymaha ay Droneska Maraykanka bishii hore ka geysteen Somalia oo aan la...

Duqeymaha ay Droneska Maraykanka bishii hore ka geysteen Somalia oo aan la ogeyn tiradda dadka ku geeriyooday

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Dalladda Baarayaasha Suxufiyiinta dabagalka ku sameeyo Dhacdooyinka “the Bureau of Investigative Journalism”ee TBIJ ayaa soo saartay Warbixino ku aadan duqeymaha ay Diyaaradaha Droneska Maraykanka bishii la soo dhaafay ka geysteen dalalka Somalia, Yemen iyo Afganistan. Qoraal laga soo saaray Xarunta Dhexe ee TBIJ ku leeyihiin magaalladda London ayaa lagu sheegay inay boqolaal qof ku geeriyoodeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dalladda Baarayaasha Suxufiyiinta dabagalka ku sameeyo Dhacdooyinka “the Bureau of Investigative Journalism”ee TBIJ ayaa soo saartay Warbixino ku aadan duqeymaha ay Diyaaradaha Droneska Maraykanka bishii la soo dhaafay ka geysteen dalalka Somalia, Yemen iyo Afganistan.

Qoraal laga soo saaray Xarunta Dhexe ee TBIJ ku leeyihiin magaalladda London ayaa lagu sheegay inay boqolaal qof ku geeriyoodeen duqeymaha ay Droneska ka fuliyeen saddexda Waddan ee Somalia, Yeman iyo Afganistan. Baarayaasha Suxufiyiinta ee TBIJ waxay sheegeen in shan maalin oo ka mid ah Kala barka bishii july ay Maraykanka duqeymo ka fuliyeen gudaha Somalia, inkasta oo aan la diiwaanm gelinin lix ka mid ah duqeymaha Droneska Maraykanka ka geysteen Somalia iyo khasaaraha ka dhashay.

- Advertisement -

Warbixinta ayaa lagu sheegay mid ka mid ah duqeymahaasi in lagu dilay ugu yaraan labo qof. Saraakiil Maraykan iyo kuwo Somali ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee AP in mid ka mid ah duqeymaha Droneska lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab iyo ilaalo la socotay.

Wargeyska The Times waxa uu ka soo xigtay Sarkaal sare oo ka tirsan Milliteriga Maraykanka inuu sheegay inay ilaa iyo haatan diiradda saareen bar-tilmaameedyo qiimo sare leh.

Sarkaalkaasi oo aan magaciisa la shaacinin ayaa sheegay in duqeymaha Droneska looga dan leeyahay si loo difaaco Ciiddanka ku sugan dhulka, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Afhayeenka Taliska Dhexe ee Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika, Patric Barnes ayaa sheegay in duqeymaha Droneska ka fuliyaan Somalia yihiin kuwo Ciiddanka Hawlgalka AMISOM looga difaacayo waxa uu ugu yeeray cabsi weerar ku soo fool leh AMISOM.

Dhinaca kale, Dalladda Baarayaasha Suxufiyiinta dabagalka ku sameeyo Dhacdooyinka “the Bureau of Investigative Journalism”ee TBIJ waxay bil kasta soo saaraan Warbixino ku aadan Sirta aadka u qarsoon ee Hawlgalladda Droneska Maraykanka ka fuliyaan Caalamka, si ay dadweynaha ula socdaan.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in ay Diyaaradaha Droneska bishii hore 17 jeer duqeyn ka geysteen Afganistan, oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 216 qof.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts