HomeWararXafiis Mukhalas u ah Ma-gefaha dadka ku afduubta Libya oo laga furay...

Xafiis Mukhalas u ah Ma-gefaha dadka ku afduubta Libya oo laga furay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dhacdo Ugub ayey noqotay wararka sheegayo in Xafiis la shaqeeya Ninka Liibiyaanka ee lagu naanayso Ma-gafe ee  afduubka, jirdilka iyo lacag madax-furashadda ka qaata Tahriibayaasha Soomaaalida ee  ku sugan  Libya  lsga furay magaalladda Muqdisho. Radio Dalsan oo dabagal dheer ku sameeyey Xafiiskaasi ayaa waxaa loo caddeeyey inay mukhalasiinta la shaqeysa Ma-gefe ay Tahriibayaasha ka qaadaan […]

- Advertisement -

Dhacdo Ugub ayey noqotay wararka sheegayo in Xafiis la shaqeeya Ninka Liibiyaanka ee lagu naanayso Ma-gafe ee  afduubka, jirdilka iyo lacag madax-furashadda ka qaata Tahriibayaasha Soomaaalida ee  ku sugan  Libya  lsga furay magaalladda Muqdisho.

Radio Dalsan oo dabagal dheer ku sameeyey Xafiiskaasi ayaa waxaa loo caddeeyey inay mukhalasiinta la shaqeysa Ma-gefe ay Tahriibayaasha ka qaadaan qofkiiba lacag dhan 5,100 Dollar, si ay uga nabad galaan Afduubka Me-gefe.

- Advertisement -

Ismail  Abdikarim Osman oo ka mid ah Tahriibayaasha haatan u ambabaxayo Libya ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey inuu bixiyey lacag dhan 5,100 Dollar, isla markaana ay Mukhalasiinta Xafiiska la shaqeeya Ma-gefe ballan-qaadeen inuusan dhibaateyn doonin marka uu gaaro xuduudka Libya.

Sidoo kale,  Osman Mayow Farah oo isagana ay Mukhalasiinta  u kaxayn doonaan Libyaa ayaa qiray inuu bixiyo kumanaan Dollar, si uu uga nabad galo Afduubka ma-gafaha Liibiya.

Hooyo Soomaaliyeed oo codsatay inaan Warbaahinta magaceeda loo adeegsanin ayaa Radio Dalsan u sheegtay in ay Wiil dhashay u ambabixiyeen Xafiiska Wakiilka u ah Ma-gefe.

- Advertisement -

Waxay intaasi ku dartay inuu Rabbi u saqiray wiilkeeda safarka, isla markaana uu haatan ku sugan caasimadda dalka Britain ee London.

Si kastaba ha ahaatee, Xafiisyadda Mukhalasiinta u ah Ma-gefe ayaa la sheegay inay ku kala yaallaan agagaarka  Tree Biyaaano, Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad.

Waxaana beryahan sii kordhayo Tahriibayaasha u safrayo Libya, kadib, markii ay Xafiisyadda wakiilka u ah Ma-gefe u ballan-qaadee n inuusan Ninkaasi afduubaan doonin.

Xafiisyadda Ma-gefe ee Muqdisho waxaa la sheegay inay xiriirleeyihiin Mukhalasiin Suudaani ah oo wakiil guud u ah Ma-gefe, kuwaasi oo u gudbiya magacyadda dada Tahriibayaasha ee Lacagaha Safarka iyo tan Madax-furashadda looga qaadayo magaalladda Muqdishu.

Latest stories