HomeWararMaxkamad ku taallo Jesiiradda Malta oo xukun ku riday Muwaadin Somaliyeed

Maxkamad ku taallo Jesiiradda Malta oo xukun ku riday Muwaadin Somaliyeed

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Maxamuud Cabdi-xukun ayaa waxaa maanta  la soo taagay Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta, kadib, markii lagu soo oogay inuu saakayto oo Talaado ah dhacay Gaari nooca dusha ka furan ee Pick-up ka soo dhacay Deegaanka Luqa. Eedeysanahaasi oo 28-jir ah ayaa lagu soo oogay inuu isagoo sarqaansan uu gaariga dhacay, […]

- Advertisement -

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo C/qaadir Maxamuud Cabdi-xukun ayaa waxaa maanta  la soo taagay Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta, kadib, markii lagu soo oogay inuu saakayto oo Talaado ah dhacay Gaari nooca dusha ka furan ee Pick-up ka soo dhacay Deegaanka Luqa.

Eedeysanahaasi oo 28-jir ah ayaa lagu soo oogay inuu isagoo sarqaansan uu gaariga dhacay, isla markaana uu shil la galay gaari kale.

- Advertisement -

Garyaqaankiisa ayaa u sheegay Garsoorayaasha Maxkamadda inay ogaadaan inuu Eedeysanuhu yahay nin had iyo jeer sarqaansan.

Haweeneyda Garsooraha ka ahayd xukunkaasi  ayaa sheegtay inay Eedeysanaha Soomaaliga ee lagu magacaabo  C/qaadir Maxamuud Cabdi-xukun ku riday xabsi muddo 12 bilood ah.

Waxay ku amartay Madaxda Xabsiyadda inay Eedeysanaha ka taageeraan sidii uu uga bixi lahaa dhibaatadda uu kala kulmo Khamriga uu xad-dhaafka u cabo.

- Advertisement -

Garyaqaankiisa ayaa isagana sheegay inuu Eedeysanuhu yahay nin aan afka ka qaadin Khamriga, waa sida uu hadalka u yiri.

Shalay ayey ahayd, markii Maxkamad ku taalla Jesiiradda Malta la soo taagay Muwaadin Somali oo lagu magacaabo Yasin Hassan Ali oo 35-jir ah, kaasi oo lagu soo oogay inuu isagoo sarqaansan oo aan asturnayn laga soo qabtay Waddo ay dadku ku badan yihiin.

Waxayna Maxkamaddu ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan 20 Euro.

Eedeysane Yasiin Hassan Ali ayaa la sheegay inuusan lahayn Cinwaan Rasmi ah, isla markaana uu ka mid yahay Muhaajiriinta lagu hayo Xarunta Furan ee The Hall Far open Center.

Latest stories