HomeWararIslaamiyiinta Turkistan oo Alshabaab ku bogaadiyey Falkii Is-qarxinta ee lagu waxyeeleeyey...

Islaamiyiinta Turkistan oo Alshabaab ku bogaadiyey Falkii Is-qarxinta ee lagu waxyeeleeyey Safaaradda Shiinaha ee ku dhex taalla Hotelka Jaziira

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Wakaalladda Wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay Dagaalamayaasha Islaamiyiinta Turkistan ee TIP ee gacansaarka la leh Ururka Alqaacida inay dhawaan Dhamaal u soo direen Hoggaanka Sare ee Xarakadda Alshabaab Somalia ee Somalia, isla markaana ku bogaadiyeen Falkii Isqarxinta ee ay Alshabaab ku qaadeen Hotelka Jaziira, laguna waxyeeleeyey qeybo ka mid ah Dhismaha Safaaradda Shiinaha […]

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay Dagaalamayaasha Islaamiyiinta Turkistan ee TIP ee gacansaarka la leh Ururka Alqaacida inay dhawaan Dhamaal u soo direen Hoggaanka Sare ee Xarakadda Alshabaab Somalia ee Somalia, isla markaana ku bogaadiyeen Falkii Isqarxinta ee ay Alshabaab ku qaadeen Hotelka Jaziira, laguna waxyeeleeyey qeybo ka mid ah Dhismaha Safaaradda Shiinaha ku dhex leeyihiin Hotelkaasi.

Farriinta Kooxda Xisbiga Islaamiga ee Turkistan Islamic Party (TIP) oo ay soo dhigeen Barta Twitterka waxay ku sheegeen inay Mujaahidiinta Xisbiga Turkistan bogaadinayaan Ummadda Islaamka ee fuliyey Hawlgalkaasi, waa sida lagu xusay Farriinta.

- Advertisement -

Waxay kaloo sheegeen inay ku boorinayaan Xarakadda Alshabaab inay kordhiyaan Hawlgalladda Jihaadka ee caynkaasi oo kale ah, waa sida ay ku xuseen Farriintooda oo ay turjuntay Hay’adda Maraykanka ugu qaabilsan Sirdoonka Kooxaha Islaamiyiinta ee The SITE Intelligence Group.

Dagaalamayaasha Xisbiga Islaamiga ee Turkistanwaxay ka mid yihiin Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Ughurus ee ku nool Gobalka Shin Jiyaang ee dalka Shiinaha, kuwaasi oo u dagaalamayo sidii ay Dowlad Islaami ah uga dhisi lahaayeen Deegaanadda ay kaga nool yihiin Bariga Turkistan ee  dalweynaha Shiinaha.

Dhowr Saraakiil sarsare oo ka tirsan Dagaaalamayaashaasi ayaa waxay xilal muhiim ah ka hayaan Hoggaaminta Alqaacida, iyadoo Amiirkii hore ee Kooxda TIP, Abdul-shakuur Tyrkistaani loo magacaabay Taliyaha hoggamiya ciiddanka Alqaacida ee ka hawlgala Goballadda ay Qabaa’ilka ka maamulaan  dalka Pakistan.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Dhambaalkooda ayaa u muuqda inay Xarakadda Alshabaab ugu bogaadiyeen Falkii Is-qarxinta ee Hotel Jazeera, oo dadkii lagu dilay uu ka mid ahaa Sarkaal dhinaca Ammaanka ugu qaabilsan Safaaradda Shiinah, iyadoo 2 kale oo Shiinees ahna ku dhaawacmeen Is-qarxintaasi.

Latest stories