HomeWararSudan oo lagu xiray Hoggaamiye-diimeed la sheegay inuu dagaalyahanno u qorayey Alshabaab...

Sudan oo lagu xiray Hoggaamiye-diimeed la sheegay inuu dagaalyahanno u qorayey Alshabaab iyo Daacish

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Sirdoonka iyo Ammaanka dalka Sudan ee NISS ayaa la sheegay inay mar kale xireen Sheekh ka tirsan Jihadistayaasha Salafist iyo dhowr ka mid ah Taageerayaashiisa. Hoggaamiyaha la xiray oo lagu magacaabo Masaacid Al-sidayrah ayaa lala xiray Madaxa Jaamacaatul Al-ictisaam Bil-Kitaab Wal-sunnah, Omar Abdi-khaaliq, Sheekh Saalax Al-diin iyo dhowr kale oo ka […]

- Advertisement -

Saraakiil ka tirsan Ciiddanka Sirdoonka iyo Ammaanka dalka Sudan ee NISS ayaa la sheegay inay mar kale xireen Sheekh ka tirsan Jihadistayaasha Salafist iyo dhowr ka mid ah Taageerayaashiisa.

Hoggaamiyaha la xiray oo lagu magacaabo Masaacid Al-sidayrah ayaa lala xiray Madaxa Jaamacaatul Al-ictisaam Bil-Kitaab Wal-sunnah, Omar Abdi-khaaliq, Sheekh Saalax Al-diin iyo dhowr kale oo ka tirsan Taageerayaashiisa.

- Advertisement -

Facebook-ga Al-sidairah ayaa lagu xaqiijiyey xariga  Hoggamiyahaasi, kadib, markii ay Hay’adda Nabad-sugidda Sudan ku soo oogeen inuu Dagaalamayaal u qorayey Xarakadda Alshabaab ee Somalia, Kooxda Ansaar-diin ee dalka Mali iyo Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.

Hoggaamiyaha la xiray oo lagu magacaabo Masaacid Al-sidayrah waxa uu leeyahay Dugsi lagu Diinta oo ku yaalla duleedka Waqooyiga caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, iyadoo Ardayda lagu baro Axaadiithta Nebigeenna Muxumad Naxariisi iyo Nabadgeliyo dushiisa ha ahaatee.

Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenka Labaad ee dalka Sudan, Xasabo C/raxmaan waxay ku eedeysay inay Hay’addo Sirdoon oo shisheeye iyo xubno ka tirsan Xisbiyadda dalka ku hawlan yihiin sidii ay rabshado uga dhex abuuri lahaayeen Bulshadaha Carabta iyo kuwa Afrikaanka ee ku wada nool dalka Sudan.

- Advertisement -

Sidoo kale, Wasiirka Tacliinta Sare ee dalka Sudan, Sumaya Abu-kushawa ayaa horey ugu eedeysay Ururo Diimeedyo ka dhisan dalka Sudan inay ku hawlan yihiin sidii ay u qoran lahaayeen  Arday ku biirta Kooxda Daacish.

Mid ka mid ah Muwaadiniinta dalka Sudan oo ku biira Kooxda Daacish, laguna naanaysi jirey Abuu Al-fidaa Al-suudaani  ayaa dhawaan lagu dilay magaalladdaay Kooxda Daacish ku xooggan yihiin ee  Alraqa ee dalka Syria

 

 

Latest stories